|

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Shan Xildhibaan ka Saaray Gudida Joogtada ah iyo Asbaabaha uu u Cuskaday

Hargaysa 08.Feb 2014 (SDN)- Guddomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Guddida Joogtada ah ka saaray 5Xildhibaan oo la sheegay in ay xallay saxeexen in Awooda Guddomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxman Cirro  lagu dhimo.

Shantan Xildhibaan ayaa loo baday Guddiyo kale, waxaanay xildhibaanadani kala yihiin.

  1. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiye, 2. Ibraahin Caraale Cabdi, 3. Cali Maxamed Cabdi. 4. Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaki), 5. Axmed Farax George.

Shantaasi Xildhibaan ayuu saaka Guddomiyuhu ka saaray guddida Joogtada ah.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo ka hadlay Xubnaha gudida joogtada ah  laga saarey oo  awood ahaana uu isagu xaq u leeyahey waxa uu yidhi.

“Laba Gudi oo Cusub ayuu xeer hoosaadku sameeyay,Gudida joogtada ah waxay xeer hoosaadku ku laheyd todoba iyo toban markaa kana waa sadex iyo toban markaa waxa daruuri ah in halkaa afar xubnood laga soo qaado oo Gudiyada Cusub lagu daro”Ayuu yidhi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed