Jawiga Saaka Ee Golaha Wakiillada Oo Kacsan, Xildhibaanadda oo Koox Koox U Shiraya Iyo Mudanayaashii Guulwadaynta Ku Caanka Ahaa Oo Xaraaraddu Ka Baajisay Soo Dhaweynta Madaxweynaha
Hargeysa:08-Feb-2014(SDN)-Waxa saaka Kacsan Xaaladda Guud ee Golaha wakiillada Somaliland, iyadoo Xildhibaanada intooda Badani ay ku sugan yihiin xaruntooda dhexe.
Xaaladda ayaa meel sare maraysa, waxana jira Gaaf-wareeg badan oo Xarunta ka dhex jira, walina lama furin Fadhiga oo talooyin iyo Faq kala duwan ayaa socda.
Xildhibaanada Golahaa ayaa intooda badani Goobta joogaan, waxana Muuqda mudanayaal uu ka mid yahay Xildhibaan Nacnac oo saaka ka Baaqsaday soo Dhaweynta Madaxweynaha oo aan imanaya.
Jawiga Guud ee Golaha ayaa saaka u muuqda mid lagu kala shakisan ayahay oo qolo waliba doonayso inay iska difaacdo mooshinka Kooxda kale wadato, lama saadaalin karo cidda Saaka Arrinkeedu Taabogeli karo.
Wala lama Hayo wax caddaynaya inay jiraan in mooshino la keenay, waxase muuqata kala shaki ku kala dhex jira labada dhinac.
Wixii ka soo kordha Fadhiga Saaka oo Mooshino La Iskula Maaggan yahay waxanu idiinku soo Gudbin doonaa Wararkayaga Soo Socda.
S.D.N