|

Dawladda Maraykanka oo Markale Digniin Cusub u Jeedisay Muwaadinteeda u Safra Somalia iyo Sababta Keentay

Washington:08-Feb-2014(SDN)-Maraykanka ayaa Markale  Soo Saaray Digniin Cusub oo ku Socota Muwaadiniinteeda ku Safarta Somalia.

digayWasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay damacsan tahay in ay weerarro ku qaado xarumaha dowladda,goobaha la isugu yimaado iyo goobaha muhiimka ah ee ku yaalla Somalia, sidaas darteedna looga Baahan yahay muwaadiniinteeda ku sugan Meelahaas inay Taxadar muujiyaan.

Wasaaradu waxaa kaloo ay sheegtay in aan u safrin dalka Soomaaliya, maadama kooxda argagixisada ay laba jibaareyso weerarrada lagu qaadayo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Digniintan ayaa badaleysa digniin Maraykanka uu horre u soo saaray bishii June ee sannadkii horre, taasoo loo jeediyay muwaadiniinta Maraykanka ee u safra Somalia.

Waxaa kalooo Maraykanka ay ka digeen in muwaadiniintooda ay ka dhawaadaan xeebaha Soomaaliya, haddii ay halkaas tagayaana ay ku tagaan iyagoo heyn u socda oo la waardiyeenaayo.

Digniintan ayaa ku soo Beegmaysa xilli kooxda Al-shabaab ay Ballan ku qaaday inay  weerari doonto Dawladda Somalia iyo ciidamada Midowga Afrika ka Socda ee AMISOM.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed