|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saacadaha Soo Socda La Filayo Inuu Hargeysa Ka Soo Dego, Waddooyin Badan Oo Xidhan iyo Cidhiidhiga Caasimadda Oo Cirka Isku Shareeray

Hargeysa:08-Feb-2014(SDN)-Caasiamada Somaliland ee Hargeysa ayaa Saaka ku Waabariisatay Ciidamo Xooggan oo waddooyinka Halbawlaha ah la Daadiyey iyo Waddooyin Muhiim ah oo loo Diiday Isticmaalka Gaadiiska.

XIDHAYAArrintan ayaa lagu Macneeyey Soo Degitaanka Madaxweynaha Somaliland oo Saacadaha soo Socda lagu wado inuu ka soo Dego garoonka Cigaal International Airport, waxana jira Dhaqdhaqaaqyo iyo Diyaargarow Ballaadhan oo ay ku jiraan Wasiirrada iyo  Xubnaha kale ee Dawladda ka tirsani.

Waddooyinka Saaka Xidhan ee Aan cidi maraynin  wax aka mid  mid ah Waddada Madaxtooyada hor marta oo aan la maraynin oo Gaadiidka loo diidan yahay, waxana Ciidanka la Taxay  min garoonka Diyaaradaha ilaa iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Shacabka ayaa si weyn u hadal Haya Qaabka loogu diyaargaroobay Soo Dhaweynta madaxtooyada iyo ciidamada Tirada Badan ee Waddooyinka Taagan, iyagoo si weyn u hadal Haya Ciidamo RRU iyo SPU ah oo iyaguna wareegayo waddooyinka lagu wado inuu Madaxweynuhu soo Maro.

Ciidankan waddooyinka Taagan ayaa Halkaas la dhigay saaka Shantii Subaxnimo, waxana  ay taagnaan Doonaan illaa iyo xilliga uu madaxweynuhu soo Dego uun, mana jiro wakhti cayiman oo uu madaxweynuhus Soo Beegan yahay.

Soo Degitaanka madaxweynaha iyo Duulistiisa, ayaa dhibaato weyn ku ah shacabka deggen caasimaddda, waxana inta badan dhacda in  magaaladu cidhiidhi badan gasho maalintaas maadaama la xidho waddooyin muhiim u ahaa kala socodka Gaadiidka oo haatan aad ugu badan caasimadda.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu soo noqoshadiisa kadib uu hore ka Galo Arrimo is dulfuushan oo sugaya, waxana Arrimaha inuu Tallaabooyin ka qaado u badan murano curyaamiyey Hay’ado Dawladda ka Tirsan oo masuuliyiintoodii is hayaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed