Gudoomiye Cirro oo Cadeeyay in Xukuumadu dagaal Toos ah kula Jirto Golaha Wakiilada kana Dalbaday in Mudanayaashu Karaamada Golaha Ilaaliyaan
Hargaysa 07.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo ka soo laabtay safar gaaban oo uu ku tagay Dalka itoobiya ayaa manta Dhoolatus ka dhigay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa oo ay ku soo dhaweeyeen Xildhibaanada Taageersani, waxaanu farriimo cul culus u diray Xukuumadda.
C/raxmaan Cirro waxa uu sheegay Xukuumaddu mudadii ay talada haysay in ay ku mashquushay Golaha Wakiiladda oo ay ilowday qaranimadii isagoo taas uga digaya waxa uu hawada u mariyey in ay faraha kala baxdo Golaha Wakiiladda maamulkiisa oo aan marnaba wax dagaal ah la galin Xukuumadda.
C/raxmaan Cirro waxa uu si badheedh ah u sheegay in Xukuumaddu dagaal toos ah kula jirto Golaha Wakiiladda, waxaanu usoo jeediyey in ay faraha kala baxdo arrimaha yaala gudaha Golaha wakiiladda oo ay ku mashquusho arrimaha Qaranka ee loo doortay.
Ugu danbayntii Farriinta u danbaysa waxa uu ujeediyey mudanayaasha Golaha wakiiladda oo uu ka dalbaday in ay sharaftooda iyo sharafta Golaha wakiiladda ilaaliyaan, isagoo salaam u diray meel kasta oo ay joogaan.
Farriimaha Cirro u diray Golaha Wakiiladda ayaa noqonaya dar-daarankiisii ugu danbeeyey ee uu ku waajahayey Mooshin Xukuumadda talada haysaa Berri ku keenayso Golaha Wakiilada, kaasoo ay ku doonayso in ay awoodaha Guddoomiye Cirro ku leeyahay Golaha wakiiladda ku bur buriso, sida uu isba dhawaan dhulka u dhigay labada Ku-xigeen ee Xukuumadda ku abtirsada.
Guddoomiye Cirro waxa manta hareera joogay isla markaana ku soo dhaweeyey Golaha Wakiiladda Mudanayaasha Garabkiisa, kuwaas oo u muuqday in ay samaynayeen Dhoolatus.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com