Guddiga Qabanqaabada Aaska Ra’isal Wasaarihii Hore ee Somalia iyo Ciidamada AMISOM Oo Madaxweyne Gaas Dibadda Kaga Reebay Ciidankii Uu Watay
Muqdisho:07-Feb-2014(SDN)-Gegida Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa wax aka Dhacay isku Dhac iyo muran dhex maray Ilaalo gaar ah oo uu watay Madaxweynaha Puntland iyo Ciidamada AMISOM.
Guddida qabanqaabada Aaska Marxuum Cabdirisaaq xaaji Xuseen iyo Ciidanka Amisom oo is kaashanaya ayaa isku raacay inaan ciidanka Madaxweynuhu wataan aanay soo Gelin Garoonka Dhexdiisa oo ay Dibadda Joogaan.
Wariyeyaal ku sugan garoonka ayaa soo sheegaya in Ciidamada gaarka ah ee la socday Madaxweynaha Puntland ee shalay diyaarada kala soo degay iyagoo hubeysan ayaa lagu amray inay banaanka hore ee garoonka joogaan, inta ay socotana hab maamuuska aaska aanay wax hub ah gudaha garoonka lala gelin karin.
Ciidamadan gaarka ah ayaa gaadhayay ilaa 7-askari oo direys gaar ah ku labisnaa iyo qoryaha fudud, waxaana gudiga heerka qaran ee aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ay ku wargeliyeen in aanay gudaha garoonka soo gelin.
Garoonka diyaaradaha ayaa kaliya waxaa loo ogolaaday Ciidamada AMISOM iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, halka Madaxda maamulada kale ee uu ka yimid yahay Madaxweynaha Puntland loo ogolaaday inay la socdaan xubno paratakoolo ahi oo anay wadan Karin wax ciidan ah.
Hab maamuuska loo agaasimay aaska ayaa ahaa mid si aad ah uga soo shaqeeyeen Gudiga heerka qaran ee loo saaray, waxaana Madaxweynaha oo ay dhinacyada ka taagnaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha oo ku xigay Madaxweynaha Puntland iyo madaxda kale ay aheyd mid loo hagay hab Baratakool ku dhisan oo sida madaxda u kala horeysa ay garoonka si wada jir ah ugu sugnaayeen marka la soo dejinayay naxashkii lagu siday meydka Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas diyaaradii waday ay kala soo degaan ciidamo hubeysan, iyadoo arrintan ay noqotay layaab, xilli magaalada Mudisho ay ku sugan yihiin ciidamo AMISOM oo ka qeyb qaata sugida ammaanka wafuuda caalamiga iyo madaxda dowladda.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com