Fu’aad Shan Go’le Oo Xalay Ka Khudbadeeyey Masjiska Ku Yaalla Baardheere iyo Gawaadhi Codbaahiyayaal Lagu Xidhay oo Shacabka Farriimo u Gudbiyey
Bardhere:07-Feb-2014(SDN)-Waxa Gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka Somalia Laga Dareemayaa Dhaqdhaqaaqyo Xooggan oo ay wadaan Ururka Al-Shabaab oo ka Gaashaamanaya Weeraro laga Yaabo inay kaga Yimaaddaan Dhinaca Ciidamda Dalka Ethiopia.
Ciidanka Soomaaliya oo iyaguna Ku sugan meelo Aan Sidaa uga Durugsanayn Goobaha Shabaabku Fadhiyo, ayaa iyaguna ku jira Diyaar garawgii ugu dambeeyey ee ay ku Weerarayaan Goobaha Shabaabku Gacanta ku hayaan.
Sheekh Fu’aad Shan Go’le oo ka mid Hoggaanka Al-shabaab, ayaa Xalay Shacabka uga Khudbaddeeyey Masaajid ku Yaalla Magaalada Baardheere, waxana uu dadkii u sheegay inay soo Socdaan Weeraro ay soo qaadi doonaan Ciidamada Ethiopia, sidaas Darteed loo Baahan yahay inay Ciidamda Al-shabaab Gacan siiyaan.
Sheekha ayaa Dadkii Halkaas ku sugnaa ku Dhiirrigeliyey inay Magaalada Difaacaan oo ay ka hortagaan weerarka ciidamada ka imanaya.
Sidoo kale Magaala Waxa Habeenkii Xalay Wareegayey Gawaadhi ay Kooxaha Al-shabaab Leeyihiin oo lagu Xidhay Sameecado, iyadoo dadka loo sheegayey inay ka Qaybgalaan Dagaalka Magaalada Lagu Difaacayo oo aanay ka Gabanin.
Kooxa AL-shabaab ayaa Haatan ku jira Diyaargarowgii ugu dambeeyey ee ay magaalada ku difaacayaan, waxana jira Xabsi xoogan oo dadka shacabka ahi ka qabaan dagaalada Saansaantoodii haatan muuqato.
Lama Saadaalin karo sida xaalku noqon doono ayaamaha soo socda, balse waxa jira In labada dhinacba si aad ah ugu diyaar gaboobeen inay Magaalada ku kala Calaf qaadaan.
SHangole, waxaa dhanka kale magaalada Baardheere xalay wareegayay
S.D.N