|

Tartankii Olympiga oo bilowday ciyaarihii oo aan la furin iyo cabsida amaan

Sochi Feb 07,2014(SDN)-Waxa furmay tartankii ciyaaraha Olypiga Qabowga tiyoo ay ciyaaruhu si rasmi ah u furmi doonaan maanta oo Jimce ah.

Ciyaaraha ayaa waxa hareeyay duufaano xamaasadeysan oo isugu jira qaar siyaasadeed iyo qaar amni oo dalkaasi Ruushka mudo ka taagnaa balse ay haatan dalalka reer Galbeedka warbaahintoodu buun buuninayaan.

Ciyaaraha ayaa amnigooda si weyn loo hadal hayaa ka dib markii ay kooxo xagjiriin ah oo Ruushka mudo ka dagaalamayay ay hanjabaadyo ciyaaraha u jeediyeen dhawaan.

Kooxaha ayaa dhawaan weeraro amni daro sababy ka fuliya dalka Ruushka balana qaaday in ciyaaruhu xasilooni ku dhamaan doonin.

Ciidamada amaanka ee dalka Ruushka ayaa mudaba wadey dedaalo ay ku xoojinayaan amniga magaalada ay ciyaaraha ka dhici doonaan.

Ciidamada Ruushka ayaa sheegay in ay hirgeliyeen qorshe amaan oo ay ugu magac dareen Wareega Siliga ama birta ee Sochi.

Geesta kalena waxa ciyaaraha Qabowga Olympiga waxa hareerayay qaar ka mida shuurcda dalka Ruushka oo mamnuucay guurka dadka isku isirka ah.

Dawladaha reer Galbeedka ee guurka Raga ama dumarka buun buuniya ayaa qodobkan hadal heytiisa ka dhigayay mid hoos u dhigi doona sumcada ciyaaraha.

Dawlada Ruushaka ayaa ku adkeysatay in shuruucdeedu yihiin qaar ay shacabkoodu u codeeyeen isla markaana aan loo dulqaadan doonin cidii isku dayda in ay jebiso.

Si kastaba ha ahaatee dawlada Mareykanka ayaa dhankeeda sheegtay in ay suurtogal tahay in ciyaaraha la weeraro isla markaana ugu baaqday ciyaaryahanadooda Ruushka tegi doona iyo ehelkoodu aaney ka bixin goobaha ciyaaruhu ka dhacayaan.

Sidoo kalena waxa haatan la mamnuucay in rakaabku ay duyuuradaha tegaya Ruushka qaataan dawooyinka cadeyga ama qaraadiista loo isticmaali karo qaraxyada.

Waxa durba la dareemaya diyaar garowga xaflada furitaanka ciyaaraha qurbejoog.com/somalidiasporanews.com kala soco guud ahaan ciyaaraha Olypiga ee Sochi.

SDN-Sochi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed