|

Nuxurka Kulan Xalay Villa Somalia ay Isku Horfadhiisteen Madaxda Soomaalidu Oo Runta La Iskugu Sheegay, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cali Geeddi Oo Markii Ugu Horraysay is Horfadhiistay

Muqdisho:07-Feb-2014 (SDN)-Kulan Ballaadhan oo Habeenkii Xalay Ka Dhacay Aqalka Madaxtooyada Somalia, kana Soo Qaybgaleen inta Badan Madaxda Soomaalidu, ayaa lagaga wada Hadlay waxyaabo Badan.

x8 Kulankan oo ahaa mid Ujeeddadiisu ahayd sidii  kulana duco ah loogu qaban lahaa Ra’islawasaarihii hore ee Somalia Cabdirisaaq xaaji xuseen oo Dhawaan Geeriyooday, ayey isku soo Horfadhsiiteen Wajiyaal Siyaasadda ku colloobay oo aan sanado is Aragi.

 

Madaxda ka soo qaybgashay Kulankan oo intooda Badani Hadallo Halkaasi ka Jeediyeen, ayaa wax aka Mid ahaa, madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Madaxweynaha Puntland, Hoggaamiyaha Jubba, Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed,Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynihii hore ee Puntland, wasiirro, wafdi ka socday Puntland iyo Jubba iyo Madax dhaqameed Soomaaliyeed, waxana Halkaas ugu horrayn loogu duceeyey Ra’isal wasaaraha Geeeriyooday.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii looga shaqeyn lahaa midnimada Soomaaliya, isagoonta tusaale u soo qaatay aaska qaran ee marxuum Cabdirisaaq in uu mideeyay madax badan.

“Ra’iisul Wasaarihii hore waxuu ahaa shaqsi u istaagay midnimada Soomaaliyeed oo weli daneynayey inuu dalka wax walba la qabto. Waxaan is dhaafsanay qoraallo uu tallooyinkiisa ku soo jeedinayey. Waxaana ka codsaday inuu dib-u-heshiisiinta dalka horseed ka noqdo, iyadana waa uu iga aqbalay ee ALLAHA u naxariisto” ayuu yidhi Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu Cabdirsaaq kula kulmay dalka Maraykanka sannadkii horre isagoona u sheegay in uu ka qayb qaato shirarka nabadeenta ee Soomaalida loo qabanaayo.

 

Ra’iisal wasaaraha ayaa isna ka codsaday madaxda ka socota Puntland iyo Kismaayo in ay labo maalmood oo kale ay sii joogaan magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan shirweyne looga hadlaayo midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna sheegay in Puntland ay u taagan tahay siddii loo soo celin lahaa midnimada Soomaaliya.

Wuxuu ballan qaaday in ay geed dheer iyo mid gaaban ay u fuuli doonaan siddii Soomaalida la isugu keeni lahaa oo looga shaqeyn lahaa minimada Soomaaliya.

Hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba ayaa isna ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in aysan isku mashquulin arrimaha gobalada isagoona intaas ku daray in qof kasta looga baahan yahay in lagu aaso goobta uu ku dhashay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa madaxda iyo shacabka ugu baaqay in ay ku daydaan marxuum Cabdirisaaq.

Kulankan ayaa xiiso gaar ah lahaa maadaama ay goobta isku soo horfadhisteen Madax ku kala Irdhoobay  Siyaasadda oo aan muddo badan wajiyada isa siinin, islamarkaana Hadalo deelqaaf ah Warbaahinta isku marin jirey.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed