|

Madaxda Ugu Sarraysa Dawladda Somalia iyo Shacab Tiro Badan oo Haatan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Wada Taagan

Muqdisho:07-Feb-2014(SDN)-Wararka ka Imanaya Magaalada Muqdisho ayaa Sheegaya inay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport Ku Sugan yihiin inta Badan Madaxda Dawladda Somalia iyo Shacab Tiro badan oo Sugaya maydka Ra’isalwasaarihii hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

taaganGaroonka ayaa La sheegayaa inay Si Haybaysan  u taagan yihiin Madax Sare oo ka Tirsan dawladda iyo Ciidamada Baamboyda oo iyagu u soo Diyaargaroobay inay Halkaas ku garaacaan Muusikada Astaanka Calanka Somalia oo lagu sagootin doono Ra’isal wasaaraha Geeriyooday.

Dad badan oo shacab ah oo ehelladii Ra’isal wasaaraha u badan ayaa iyagana loo ogolaaday inay Garoonka soo Galaan, waxana la filayaa inuu Saacadaha soo socda Garoonka soo gaadho Maydka Marxuumka oo laga Keenayo waddanka Maraykakanku.

Wasiirro,xildhibaanno, Badhasaabo iyo Madax kale oo Dawladda Federalka iyo  Maamyl-Goboleedyada kale ka Tirsan ayaa  Ku Diyaarsan Garoonka, waxana la Filayaa inay Madaxweynaha, Ra’islawasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Goboladda ka Timidba ay Dhawaan Garoonka Soo Gaadhaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed