Xukuumada oo dabada ka Riixaysa Mooshin Wax ka bedel Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Iyo Gudoomiye Cirro oo dalka ka Maqan
Hargaysa 06.Feb 2014 (SDN)- Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa u aragta Go’aankii uu Golaha Wakiiladu Wax kaga bedelay Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Mid Wiiqay Awoodii Xisbul Xaakimku ku dhex lahaa Golaha Wakiilada .
Warar Xog ogaal ah ayaa Shabakada Qurbejoog u Xaqiijiyay in Qaar ka mid ah Mudanayaasha Xukuumada Gacan saarka la lihi ay rabaan inay Fadhiga Golaha Wakiilada ee Sabtida soo socota ay ku soo hor dhigaan Mooshin ku wajahan in Wax ka bedel kale lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada Si ay u soo Celiyaan awoodii labadii Gudoomiye ku Xigeen ee dibad Wareega ahaa kadib marki ay u Cuntami weyday Xeer hoosaadkii awoodooda laciifiyay .
Geesta kalena Warar Sugan ayaa Sheegaya in Mudanayaasha Xisbiyada Mucaaridka iyo Xubno ka Mid ah Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ay Shirar ku leeyihiin Goobo ka Mid ah Caasimada Hargaysa iyagoo ku Talo Jira Sidii ay u Burin lahaayeen Qorshe kasta oo Xukuumada iyo Mudanayaasha u Adeegaa ay Wax kaga Bedelayaan Xeer hoosaadkii uu Goluhu Codka Kalsoonida ah ku ansixiyay .
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee xisbiga wadani C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro ayaa safar gaaban oo laba maalmood qaadanaya ku tagay Dalka Itoobiya Caasimadiisa Addis ababa
Lama oga ujeedada safarka Guddoomiye Cirro kaasoo ku soo beegmay Xilli xukuumadda iyo Xildhibaanada taageeraa u maleegayaan Mooshi ay doonayaan in ay xilka kaga qaadaan ama dib ugu soo celiyaan labadiisa ku xigeen awoodihii ay ka qaadeen.
Guddoomiye Cirro waxa uu shalay ka dhoofay madaarka Hargeysa sida ay u sheegeen dad goob joog ahaa markii uu diyaarada Itoobiya Airline raacayey, waxaana lagu sheegay in laba cisho uu ku maqnaan doono safarkiisa isal markaana uu dib usoo laaban doono Jimcaha.
Wixii Warar ah ee arrintan ka soo Kordha Kala Soco Shabakada Qurbejoog.com
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com