Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka oo Jabuuti kaga Qayb gashay Shir Caalami ah iyo Khudbadii ay ka Jeedisay {DHAGAYSO}
Jabuti 06.Feb 2014 (SDN)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qayb gashay shirweyne caalami ah oo maanta ka furmay dalka Jabuuti kaasoo lagaga hadlayo sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah ee Hablaha
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil iyo wefti ay hogaaminayso oo Somaliland u metelaya shirkaasi ayaa hadal ay ka jeedisay shirkaasi waxay sharaxaad ka bixisay heerka uu gudniinka fircoonigu ka marayo Somaliland iyo dhibaatooyinka uu ku hayo guud ahaan aadamaha, gaar ahaana haweenka ku nool dalalka weli laga isticmaalo gudniinka fircooniga ah ee hablaha
Marwo shukri Xariir Ismaaciil wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada ee JSL shirkaasi caalamiga ah waxa ay ka sheegtay in Somaliland ay la wadaagto dalalka caalamka xanuunka iyo dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee uu gudniinka fircooniga ahi ku sababo haweenka, waxayna ballanqaaday in JSL ay ku dadaalayso sidii loo sii dardargelin lahaa wacyigelinta dadweynaha eek a dhanka ah caadadaasi qaddiimka ah.
Guhi Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso hadalkii Wasiir ku Xigeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Shugrixariir.mp3″]