|

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo dalka ku soo dhaweeyay Hay’ad ka Socota Boqortooyada Sucuudiga

Hargaysa 06.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta madaarka caasimadda ku soo dhoweeyey wefti balaadhan oo ka socda Hay’adda  DACWA-ISLAAMIYA oo fadhigeedu yahay dalka Boqortoyada sucuudiga.

Sheekh Khaliil C,laahi AxmedWasiirka oo warfidiyeenada ugu waramay qolka VIP-da ee Egal Intranational Airport ayaa ku bogaadiyey Hay’adda DACWA-ISLAAMIYA taageerada ay la dhinac taagan tahay shacabka Somaliland iyo mashaariicda joogtada ah ee ay ka fuliso dalkan JSL.

Sh Khaliil cabdilaahi Axmed wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxa uu tilmaamay in mashaariicda isugu jirta  gargaarka iyo horumarinta ee ay hay’adani ka hirgeliso gudaha Somaliland ay u badan yihiin dhinacyada arimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka isla markaana ay ka faa’iidaystaan boqolaal qoys oo dan yar ah.

Dhankiisana Dr khaalid oo ka mid ah weftiga ka yimid dhanka Boqortooyada sucuudiga ayaa ku tilmaamay Dalka Somaliland meel nabdoon oo ay ka jirto dawlad hagaagsan, si rasmi ahna uga hirgalaan mashaariicda taageerada ah ee hay’adu ugu talo gashay.

Soo dhoweynta wasiirka ee weftigaasi waxaa kaloo goob jog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaasi oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xafiiska hay’adaasi ku leedahay Dalka Somaliland Dr Cabdiqaadir iyo madaxa waxbarashada ee xafiiska hay’adaasi Md maxamed Axmed Kaahin.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed