Hay’ada Qaramada Midoobay ee Caafimaadka oo Dhisme Cusub ka Samaysanaysa Garowe SAWIRO
Garowe 06.Feb 2014 (SDN)- Hay’adda WHO ayaa maanta soo bandhigtay dhisme cusub oo ay ka dhisanayso duleedka waqooyi ee magalada Garowe,kaasoo ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya $3-milyan.
Dhigax dhiga daartan ay yeelatay WHO waxaa ka qayb galay madaxda wasaaradda caafimaadka,wasiirkii hore ee caafimaadka iyo mamulka Gobalka Nugaal.
Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr.Cali Cabdilaahi Warsame ayaa tilmaamay dhismaha daartan cusub inay wax badan soo kordhin doono,ayna ka faa’iidaysan doonaan shacabka reer Puntland.
Waxa uu sheegay inay nasiib u yeesheen shacabka Puntland in laga faa’iidaysto anfacada kasii bixi doono holka lagu shaqo bilaabi xaruntaan.
Wasiirka cusub ee caafimaadk Saadiq Eenow ayaa tilmaamay inay wax badan soo kordhin doonto dhismahaan ayna aad ugu faraxsan yihiin in WHO ay markii ugu horaysay xarun ay lee dahay Puntland ka hirgaliso.
Madaxa WHO ee Somalia ayaa dhankiisa sheegay inay ahmiyad wayn u lee dahay inay xarun ka furtaan caasumadda Puntland ee Garowe,wuxuna sheegay in howlo badan daartan lagu qaban doono oo ay ka mid tahay caafimaadka iyo arrimaha kale ee la midka ah.
Mudo sanad iyo bar ayaa la sheegay inay socon doonto dhismaha xaruntaan cusub,wuxuna dhan yahay dhulka uu ku fadhiyo boqol boqol oo isku weer ah.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com