|

Kooxda Alshabaab oo Dib u Hawl galiyay Isgaadhsiintii ay Xayiraada ku Soo Rogeen

Kismaayo 06.Feb 2014 (SDN)- Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Khamiis ah fasaxday adeegyada taleefoonka ee shirkadda Hormuud ee gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

ALSHABBABAl-Shabaab ayaa lix maalmood ka hor damisay hab-dhiska shirkadda Hormuud ee isku xira Muqdisho iyo gobollada Jubbooyinka.

Sida ay Warfidiyeenada ku Sugan  gobollada Jubbooyinka  ku soo warramayaan  al-Shabaab ayaa qaadday xayiraadda kaddib wada-hadal dhex maray labada dhinac.

Shirkadda Hormuud ayaa la sheegay inay maanta joojisay adeegga internet-ka ee taleefoonnada gacanta ee magaalada Muqdisho.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed