|

Buuhoodle oo uu ku Soo Wajahan yahay Madaxweyne Xigeenka Puntland iyo Wasiir Xaglo Toosiye oo Sanaag ka Hilaacay

Buuhoodle 06.Feb 2014 (SDN)-Magaalada buuhoodle ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo lagu soo dhaweynayo imaatinka madaxweyne ku xigeenka puntland Cabdixakim Xaaji Camey.
IMG_0509Warka ayaa sheegaya Inuu M/xigeenku Doonayo Inuu Qadiyada Puntland ka Dhaadhaciyo wax garadka Buuhoodle, Maadaama Madaxweynihiisu ku dhawaaqay qorshe dib loogu midaynayo beelihii wada saxeexay heshiiskii lagu yagleelay Puntland.

Dawlada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay ee puntland ayaa bilawday olole dhan ka ah qaranimada jamhuuriyada somaliland iyaga oo madaxda sare sare ee maamulkaasi ay ku dhawaaqeen in la gaadhay xiligii la soo celin lahaa gobalada ka maqan maamulka puntland ee ay sheegtaan.

booqashada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku Imanayo Buuhoodle ayaa noqonaysa dhirbaaxadii ugu horaysay ee ay fuliyaan maamulkaasi, sidoo kale waxay dhabanahays ku noqonaysaa Maamulkii Khaatumo ee sheegan jiray Buuhoodle in ay ka taliyaan.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku hanjabi jirtay Ololihii uu C/wali ku yimi Badhan mid shakhsi ah iyagoo ku af-gobaadsan jiray isaga oo Madaxweyne ah in aanu Ciida Somaliland cagaha soo dhigi doonin balse waxa la eegi doonaa talaabada ay ka qaadato ku-xigeenkiisa oo Buuhoodle looga sii mashxaradayo.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ay Ilma adeer yihiin Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dhawaan mar uu safar ku tagayey dalka Dibadiisa balanqaaday in uu Buuhoodle tagi doono, hase yeeshee waxa uu ka fad kudiyey Laascaanood oo uu tagay markii ugu horaysay tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Wasiir Xagla toosiye iyadoo la hadal hayo in uu Jimcaha Buuhoodle iman doono Madaxweyne ku-xigeenkuna waxa uu ka hilaacay Sanaag, halkaas oo uu xalay gaadhay, hase yeeshee waxa la eegi doonaa in uu ka soo gaadho iyo inkale.

Si kasta ha ahaatee waxa la tabayaa Gogoshii Nabadeed iyo tii Siyaasi ee uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey Goboladda Barri ee Somaliland, wallow aad moodo haddii uu Madaxweyne ku-xigeenka Puntland yimaado Buuhoodle in looga dheeraynayo isla markaana lagaga guulaysan doon midnimada Siyaasadeed ee Beelaha Goboladaasi oo laba gar-daaq ahayd muddo dheer.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed