|

“Faysal iyo Dadkaas Midgaha ah Ma Xidhnee Inaga Daaya, Meeshii Aad Wariye Universal Ka Socda………..” Wasiir Cukuse

Hargeysa:Feb-06-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacgelinta Somaliland Cabdilaahi  Maxamed Daahir Cukuse, ayaa Markii ugu Horraysay Hadallo Deelqaaf iyo Meel Ka Dhac ah Kula Kacay Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Eng. Faysal Cali Waraabe.

MIDWasiir Cukuse oo Ayaamo ka Hor Albaabada Iskugu Dhuftay Telefishanka Universal, ayaa Warkan Ka Sheegay Xilli Uu Ka Jawaabayey Telefon uu u soo Diray Taliyaha Ciidanka   Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, Kaas  daba Socday Haddalo uu Guddoomiye Faysal Kaga War-Celiyey Aragtidiisa La Xidhiidha Xadhiga Lagula Kacay Tv-ga universal.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Telefonka Wasiir Cukuse soo Garaacay Xilli uu Maalintii shalay Ku Sugnaa Aagga Huteel Emperial oo ay ku Sugnaayeen Koox Wariyayaal, waxana uu wasiirku Halkaas Kaga Jawaab Celiyey Su’aalo uu Taliyuhu Weydiiyey oo La Xidhiidhay Xadhig Loo Qoondeeyey Guddoomiye Faysal oo ay Saraakiisha Xukuumaddu isku Afgaranweyday.

Taliyaha ayaa Markii uu Soo Garaacay Wasiirka Isla Markiiba Weydiiyey Halka uu marayo Qoshihii ahaa in La Xidho Guddoomiye Faysal, Balse Wasiirka oo aan Markaas Burkaba Bahal ka Filaynin, ayaa Si Fudud ugu Jawaabay Hadallo Deelqaaf ku ah Guddoomiye Faysal iyo Dadnimadiisaba, “ Faysal iyo Dadkaas Midgaha ah Ma Xidhaynee Meeshii Aad Ku Aragtaan Wariye Ka Tirsan  Tv-ga Universal Soo Qabta oo Tacaaba.” Ayuu Si Fudud u Yidhi Wasiir Cukuse.

Mid ka Tirsan Wariyayaaasha Ka Hawlgala Xarumaha Warbaahineed ee Somaliland Oo Xilligaas Wasiirka La Joogay, ayaa si Toos ah u  Shaashadda Telefoonka Madaxweynaha uga Arkayey Magaca Taliye Fadal oo soo  Baxay, waxana uu Si Mugleh u Dhuuxay Hadallada Labada  Masuul Dhex  Maraya oo ay ugu muhiimsanayd inuu Si Qaawan u Aflegaaddeeyo Guddoomiye Faysal.

Hadalkan ka Soo Yeedhay Guddoomiye Faysal, ayaa ku soo Beegmaya Xilli uu dhawaan sheegay Guddoomiyuhu inuu Gacantiisa kaga Ciilbeeli Doono Wasiirkii mar dambe isku Daya inuu Arrimihiisa Faraha la Galo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed