|

Wasiirka Warfaafinta oo amar labaad ku Xayiray Miisaaniyada Telefishanka Qaranka kadib markii Maareeyuhu diiday Saxeexiisa

Hargaysa 03.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa Xayiray miisaaniyadii Tv qaranka ka dib markii khilaaf ba’ani uu ka dhex curtay shalay Wasiir Cukuse  iyo mareeyaha Telvishanka Khadar Cali Gaas.

cukuse-iyo-khadarkhilaafkan ayaa ka dhashay ka dib shalay markii uu maareeyuhu  saxeexa lacag dalbashada  musharka ka saaray Wasiirka  oo hore saxeexa ugu lahaan jiray ,Sidoo  kale Xisaabaadka Qaranka ayaa ku soo Celiyay Maareeyaha foojarkii Mushaharka ee shaqaalaha kadib markii ay ogaadeen in aanu Wasiirka Warfaafintu soo Saxeexin.

Taasi ayaa waxa ka dhashay in wasiirkuna dhamaanba miisaaniyada Tv-ga uu xayiro iyada oo la joojiyey mushaharkii bishan ay qaadan lahaayeen shaqaalaha Tv-ga Qaranku.

Dhanka kale wararku intaa waxay ku darayaan in wasiirka iyo maareeyuhu ay iskula tageen ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxaan Saylici balse uu saylici markii uu labadaba gartooda dhagaystay waxa uu u sheegay inay sugaan madaxweynihii magacaabay inta uu dalka ku soo noqonayo.

Khilaafkan ka jira wasaarada War faahinta ayaa ah mid dhawr jeer soo noq-noqday ilaa hadana  aan xal loo hayn balse waxa aan la ogayn halka uu ku dambayn doono khilaafkaasi labada Masuul u dhexeeyaa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Xeer Madaxweyne ku hoos geeyay Telefishanka Qaranka Wasaarada Warfaafinta taas oo u Cuntami la’a Maareeyaha Tv-ga.

Comments are closed