“Telefishanka Universal Waxa uu Jebiyay Shuruucdii dalka u taalay arrintana Maxkamad ayaanu gaynaynaa” Wasiirka Warfaafinta {DHAGAYSO}
Hargaysa 03.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka warfaafinta JSL Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu sheegay in TV-ga Universal uu dacaayado riqiis ah oo aan sal iyo raad toona lahayn ka baahiyey Safarkii Madaxweynaha Somaliland ee Dalka Dibadiisa, dacaayadaas oo anshaxa saxaafadeed ee caalamiga ah, ka islaamka iyo ka Somaliland-toona aan melena ka soo gelin, iyagoo sameeyey dhaqan xumo la sameeyo tii ugu xumayd.
Md Cukuse waxa uu sheegay in TV-ga Universal uu soo dhaafay dhamaan xuduudihii u yaallay saxaafadda kana baxay heshiisyadii uu kaga hawlgalayey ciidda Somaliland, isagoo ay Gabbaad ka dhiganayso dawladda somaliya oo faro-faraynta ay Somaliland ku hayso soo marsiisa Telefishinkaasi, ka dib markii ay laaluush ahaan u siisay dhisme balaadhan oo dadweynaha dalkaa ka dhexeeyey oo oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadalkii Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Cukuse03F.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com