Wasiirka Cadaalada oo Dadweynaha Gar adag kala Qayb galay Mashruuc Iskaa Wax u Qabso ah oo lagu dhisayo Jeelka Magaaladaas
Weftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka ee JSL Md Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey degmada Gar’adag ee Gobolka Sanaag.
Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan saraakiil ka tirsan ciidanka asluubta oo ay ka mid yihiin taliyaha hogaanka xabsiyada ee Ciidanka Asluubta Gaashaanle dhexe Maxamed Maxamuud iyo taliyaha asluubta ee Gobolka Sanaag Gaashaanle dhexe Maxamed digaale Siciid ayaa lagu soo dhoweeyey degmada Gar-adag oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo iskaa wax u qabso ah oo lagu dhisayo jeelkii magaaladaasi yeelan lahayd.
Md Xuseen Axmed caydiid Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee JSL waxa uu si weyn ugaga mahadnaqay dadweynaha degmada Gar’adag sida ay u soo dhoweeyeen , isagoo ku bogaadiyey mashaariicda iskaa wax u qabso-da ah ee ay degmadooda ka wadaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com