|

Wasiirka Wasaarada Beeraha oo soo Gabo gabeeyay kulan lagaga hadlayay Wax soo saarka beeraha

Hargaysa 03.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Maxamud Geedoole ayaa soo Gabo gabeeyay maanta aqoon isweydaarsi u socday mudo laba maalmood ah Kuliyadaha Jaamacadaha Beeraha ee Golis,Hargaysa,Camuud,Gebilay iyo Hay’adaha FAO,FCI, Live International iyo Nerad.

geedooleKulankaas oo lagaga hadlayay sidii loo kordhin lahaa Cunto soo saarka,loona dhiirigelin lahaa dadka beeralayda ah iyadoo ay hawshan in mudo ah soo waday wasaarada beeraha ee somaliland isla markaana ay daraasado badan ka sameeyeen ayaa waxaa kala hawl galay hay’aha ay wada shaqayntu ka dhaxayso wasaarada beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada beeraha C.laahi Ismaaciil Faarax ayaa ka hadlay Ujeedada kulankan loo qabtay isla markaana u mahadceliyay ka qayb galayaasha iyo hay’adaha kala duwan,Xubnaha ka kala socday Kuliyadaha Beeraha ee Jaamacadaha dalka iyo Wasaarada beeraha.

Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Maxamud Geedoole ayaa sheegay sida loogu baahan yahay in Isku filaasho looga gaadho wax soo saarka dalaga beeraha si looga maarmo ka dalalka dibada la inooga soo waarido,Isagoo intaas ku daray in dalka laga beerayo dalagyo ay ka mid yihiin Timirta oo laga beerayo dhulka Xeebaha ah,Faasuuliyaha,Digirta,Green Pines, iyo Shunburada.

Mudane Geedoole  waxa uu sheegay oo kale inay Samayn doonaan Carwo lagu soo bandhigo Dalagyadaasi,isagoo ugu baaqay in Ganacsatada dalku ay qaybtooda ka qaataan.

Wasiirka Wasaarada Beeruhu waxa uu mahadceliyay Dhamaanba ka qayb galayaashii Kulankan .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed