|

Madaxwayne: Hassan Sheikh Mohamoud ‘Warqad Kaaga Timi Minneapolis’

Inta aan qoraalkan aan qoray Febraury 02, 2014 xikmadiisa aan u gelin, aan madaxwayne ku waydiiyo maxaad iskaga dhaaftay maahmaahyadii aad ku caan baxday in aad ku qurxiso qudbadaha aad u jeediso dadwaynaha Soomaaliyeed – ha ahaadeen Daljoogta ama Qurbojoogtaba, sida qudbadii aad u jeedisay Qurbojoogta Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota iyo London, Britain. Hadii aad waqti u hesho, halkaan ka fiirso qudbadii Minneapolis, MN: http://www.youtube.com/watch?v=fVzsOz89XkY

Fartiintayda waxay tahay: in badan oo ka mida Qurbojoogta Waqooyiga Aamerica ayaa ilaa hada ka hadla, iskuna raacay in qudbadii aad ka jeedisay Minneapolis, ee gobolka Minnesota ay ahayd mid taariikhi ah – qaayo iyo qaymo leh, laakiin hadii ay qabanqaabiyayaasha xafladaas ay u ogolaan lahaayeen dadkii mudahaaraadayey habeenkaas, waxaan qabaa in ay si xadaarad iyo xishmad leh warqad ugu qori lahaayeen waxa ay kaa tabanayeen.

Muhimada qoraalkayga waa in kula wadaaga sida aragtida dadkii qudbadaada dhagaystay habeenkaas iyo kuwii ka dhagaystay khadadka Internetka ay isu badashay? Intaan aan ugelin waxa badalay arigtooda, waxaa cad in dadka inta badan ay kuu arkaan in aad tahay nin Soomaalinimada ay ku dheer tahay, laakiinse lataliyaashaadu yihiin dad ka soo horjeeda waxa ay dadka qaarkood doonaayaan sida ay na bartay is afgranwaagii ka dhashay maamul u samaynta Jubbaland.

Waxaa isoo taraya isku soo dhawaanshaha dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, arigtida Qurbo joogta Waqooyiga Americana wax wayn uu ka badalay heshiiskii laga gaaray maamul u samaynta deegaanada Jubbaland, waxaa taas raaca qoraalkii cadaa ee Dowlada Federaalka u dirtay qabanqaabiyaasha shirka baydhabo ka socda iyo mida lagugu amaanayo ayaamahaan ee la xariirta magacaabida gudiga qaabilsan duugta qaran ee loo samayn doono ALLAHA wayn ha u naxariisteem Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya iwm.

Mida koowaad, hadii aan soo qaato mid ka mida maahmaahyadii habeenkaas aad qudbadaada ku jiray “wixii hooyada uurka leh u roon, ayaa cunuga uurka ku jirana u roon”, taas oo micnayn karo in hooyadii Jubbaland inta lahyd uurka canuga hada ay haysato, ay si cag kuugu sheegtay in nafteeda ay daawo u tahay in ay hesho maamul u gaara si ay uga badbaado cudaradii ku dhici jiray deegaanadaas intii ka danbaysay sanadkii 1990kii. Inkasta oo lataliyaashaadii waqtigaas ay wax kaa tuseen meel kale, ka dib markii is afgarad la helayna, waxaa cadaatay in Jubbaland hooyadiis ay rabtay in ka badbaadiso canugeeda cuduradii ku dhici jiray Kismaayo dhamaadkii 1990kii.
Mida xigta, baaqa Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ee aad adigu madaxwaynaha u tahay u dirtay Baydhabona – waa arin kale oo cadaynaysa in aadan ka soo horjeedin in dadka ayaahayooda ka tashadaan, iyaga oo adeegsanaaya nadhaamka Federaalka ku salaysan sida uu qeexaayo dastuurka hada dalka ka jira. Dad badan ayaana ku qanacasan in shirka Baydhabo ka socda uu ahaado mid macquul ah, kana nadiif ah qiyaaliga.

Ugu danbay, waxaa Qurbojoogta Soomaaliyeed ee Waqooyiga America si wayn ugu farxeen gudiga aad u saartay abaabulka duugta qaran ee loo samayn doono ALLAHA wayn ha u naxariistee Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Marka hadii aad soo mid ka mida maahmaahdaadii “dhurwaaga iyo caruurta weligood isma arag, waana kala baqaan” Waxgaradka iyo hogaamiyaasha Qurbojoogta Waqooyiga America ayaa waxaa la arkay in uu isbadelay arigtidii ay ka qabeen maamulkaaga, iyada oo arintaan suurtowdo in ay sabab u tahay in aad meesha ka saartay dad badan oo lagu tuhmaayo in ka mid yihiin dadka jecel in ay dadka u kala sheekeeyaan.

Intaas oo wanaag iyo isbadalka aan ku xusay qoraalkayga, kuma imaan si fudud, madaxwayne hadase waxaad hesataa fursad aad inta dhiman ku dhamaystirto, ayna ugu horayso sidii aad goboloda dhexe uga samanyn laheed nadhaam goboleed oo loo dhan yahay. Heshiiska dhexmaray GalMudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ah in ay isla meel dhigaan aasaaska mamul midaysan ee uu degaankaas yeesho, waa arin aad loogu farxo. Marka, Galguduud degto, waa in ay gacan walaaltinimo loo taago Hiiraan oo aan looga maarmin maamul ka dhasha deegaanka gobolada dhexe.

Hadii ay taasi dhacdo, Dowlada Federaalka Soomaaliyeed iyo maamulkaaga waxaa u suurto galaysa in maamul goboleedyada hana qaada markii dadka deegaankaas isku afgartaan, in mustaqbalka ay iyagu 72 degmo ee ku yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay degmo kasta u samaym doonaan shantii mashruuc ee aad ku waday in uu bilowdo 2013 ee aad ugu magac dartay:

Gogoldhigii Dowlad Dhisida Soomaaliya in ay degmo kasta ay yeelato:

Mashruuca Kowaad: School in ay yeelato degmo kasta.
Mashruuca Labaad: Police Istation/Xarun Nabadsugida.
Mashruuca Sedexaad: Health Center/Rug Caafimaad oo caruurta laga talaalo.
Mashruuca Afraad: Water Source/Ceel ay biyo nadiifa ka cabaan dadwaynuhu.
Mashruuca Shanaad: Local Government/Xarun Degmada oo dhisan, qalabaysan.

Marki taas la helo, IshaaALLAH, waxay noo sahli doonta in hal qof, hal codki “one man, one vote sysemki” aad sheegtay la helo, iyada oo sababi karta in mar kale laguu doorto madaxwaynimada Dowlada Federaalka Soomaaliyeed sanadka 2016.

Ma xasuusataa maahmaahdaadii kale ee ku jirtay qudbadahaagii Minneapolis iyo Londonba oo ahayd: “Falaarta Midee daran – ma mida Isha kaaga jirta, mise mida Salka kaaga taagan”. Tan oo ifinaysa in waxa dadka ay doonayaan mararka qaarkoo ay muhiimsan tahay in laga hor mariyo waxa la taliyaashaada moodayaan in ay danta ku jirto.

Qore: Mohamed Barre – junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida oo degan Minneapolsi, MN – junlay99@aol.com.

Comments are closed