|

“Ciidanka kenya oo dhammaantood Kismayo laga saarayo, Anigu warkaas ma Hayo, laakiin Dhaqdhaqaaqoodu waa mid ka Tirsan hawlaha…………” Ra’isal Wasaare Cabdiweli

Muqdisho:Feb-03-2014(SDN)-Ra’isal wasaaraha Dawladda Federalka ah ee Somalia Cabdiweli Sheekh ayaa Markii ugu horraysa Ka Hadlay Arrimaha Haatan Dadka Somalida ahi sida weyn u Hadal Hayaan ee Farogelinta Ciidanka Amismo u Geysteen Shirkii Baydhabo iyo Waliba Ka Bixitaanka Ciidanka Kenya ee Magaalada Kismayo.

dhukurUgu Horrayn waxa uu uu Ra’isal Wasaaraha oo la Hadlayey Idaacadda VOA-da La Hadlayey, ayaa Ka Hadlay Joojintii ay ciidanka AMISOM  shirkii Maamul usamaynta Gobolada Bay oo shacabku si weyn uga soo Horjeesteen.

“Ma  Oggolin inn Shir La Joojiyo Laakiin Kaliya Arrintaasi Waxa ay Ahayd mid Amniga Lagu Sugayey, Waxa Meesha ka Dhacayna waxa ay ahayd Kaliya Isfaham La’aan.” Ayuu Yidhi Ra’isal Wasaaruhu.

Waxa  kale oo uu Sheegay inay Shacabka Soomaaliyeed Meel ay Joogaanba u xaq u leeyihiin inay Maamul-goboleed Samaystaan, Balse loo Baahan yahay inuu ahaado mid loo dhan yahay oo aan la isku Khilaafsanayn, waxana uu yidhi,

“Sida dastuurku qabo dadku maamul goboleed way samaysan karaan laakiin waa inuu jiraa wax shacabku isku raacsan yahay, Hadii Fikira lagu kala duwanaadana waa in la Wada Hadlaa, sida aanu sheegnayna waanu dhiirrigelinaynaa in Wadahadlku socdo si loo Gaadho wax shacabku isku Raacsan yihiin.”

Ra’isal Wasaare Cabdiweli ayaa  Sidoo kale Ka Hadlay Arrimo la Xidhiidh Bixitaanka Ciidanka Kenya oo si weyn loo Hadal hayo inuu Dhawaan ka Bixi doono Kismayo, waxana uu yidhi, “arrimaha ciidanka waanu ka war haynaa, ciidankuna waa AMISOM, Dhaqdhaqaaqaasina Waa Mid ay Dawladda iyo AMISOM Ka Wada Socdaan, ciidanka kenya oo dhammaantood Kismayo laga saarayo warkaas ma Hayo, laakiin Dhaqdhaqaaqoodu waa mid ka Tirsan hawlaha Ciidanka AMISOM Ka Wadaan Somalia.”

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed