|

Somaliland oo Daqiiqado Gudahood ku Sii daysay Xubno ay Sheegeen inay Maxkamad la Tiigsan doonaan

Hargaysa 02.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Warfaafinta Somaaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse  ayaa sheegay in la sii daayey Maanta 3 xubnood ee ka tirsanaa Madaxtooyada Dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaasoo shalay lagu xidhay Saldhiga Airport-ka Cigaal ee Magaalada hargeysa.

Cukuse2Xubnaha ka tirsanaa madaxtooyada Dowlada Federaalka oo dib u helay xoriyadoodii ayaa la sheegay inay ku wajahnaayeen dhinaca Itoobiya halkaasoo ay kaga qeyb galayeen shir aan la faafin ujeedadiisa

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay sii deynta 3 ruux oo midi haweeney aheyd mana xusin wasiirku inay dhaafeen Magaalada Hargeysa iyo inay wali ku sugan Yihiin Toona.

Xubanaha la sii daayay Maanta kana howl galayay Xaafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ka mid ahaa Madaxii Baratakoolka xaafiiska Madaxweynaha Jaamac Maxamed Jaamac, Fahiimo Nuur nageeye oo ka tirsaneyd xaafiiska Raisulwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo sarkaal kale oo isna ka howlgalyay xaafiiska Madaxtooyada.

Hargaysa SDN.

Contact@somalidiasporanew.com

 

 

 

 

Comments are closed