Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Fariin Digniin ah u Diray Maamul Goboleedka Punt land Xuska Ciidanka Qaranka {DHAGAYSO}
Hargaysa 02.Feb 2014 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (SAYLICI) ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan ciidamada qaranka iyo xaasaskooda waxana uu u rajeeyey in ilaahay inay sanadkan kiisa kale bashbash iyo barwaaqo ku gaadhaan isaga oo geesta kalena sheegay in bixinta darajooyinku ay ahayd guul u soo hoyatay ciidasnka oo ay mudo dheer sugayeen
Waxana uu intaasi raaciyay in xukuumad ahaan uu xil weyni ka saaran yahay daryeelka iyo ilaalinta ciidamada, waxana uu madaxwenuhu iftiimiyay in ciidamada qaranka Somaliland loo aas aasay inay dalkooda difaacaan ee aan loo samaynin inay dalalka jaarka ilaaliyaan.
Dhanka kalena waxa uu madaxweyne ku xigeenku uu fariin u diray maamul gobaleedka soomaaliyeed ee Puntiland oo uu sheegay inay docodocayn ku hayaan shcbiga reer Somaliland ee dagan qaarka tirsan gobalada bari ee Somaliland.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Madaxweyne Xigeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SayliciCiidamada.mp3″]
Hargaysa SDN.