|

Xuska 20 Guurada Aasaaska Ciidamada Qaranka oo lagu Bilay Munaasibad Balaadhan

Hargaysa 02.Feb 2014 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md:c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici ahna ku simaha madaxweynaha ayaa maanta ka qaybgalay munaasibada xuska sanad guurada 20-naad ee aas aaska ciidamad Qaranka Somaliland oo ku beegan 02 bisha febaury.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo sooo agaasimay ayaa wax aka soo qayb galay gudoomiyaha golaha wakiilada, xubno ka socday xisbiyada qaranka, Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirada, safiirka safaarada itoobiya ee fadhigiisu yahay magaalada hargaysa, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamanka Somaliland, iyo marti sharaf kale oo badan.

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (SAYLICI) ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan ciidamada qaranka iyo xaasaskooda  waxana uu u rajeeyey in ilaahay inay sanadkan kiisa kale bashbash iyo barwaaqo ku gaadhaan isaga oo geesta kalena sheegay in bixinta darajooyinku ay ahayd guul u soo hoyatay ciidasnka oo ay mudo dheer sugayeen

Waxana uu intaasi raaciyay in xukuumad ahaan uu xil weyni ka saaran yahay daryeelka iyo ilaalinta ciidamada, waxana uu madaxwenuhu iftiimiyay in ciidamada qaranka Somaliland loo aas aasay inay dalkooda difaacaan ee aan loo samaynin inay dalalka jaarka ilaaliyaan.

Dhanka kalena waxa uu madaxweyne ku xigeenku uu fariin u diray maamul gobaleedka soomaaliyeed ee Puntiland oo uu sheegay inay docodocayn ku hayaan shcbiga reer Somaliland ee dagan qaarka tirsan gobalada bari ee Somaliland.

Geesta kalena taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa waxa uu isna dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan xubnaha ciidamada qaranka iyo xaasaskooda waxana uu ka waramay waxyaabaha u qabsoomay ciidamada qaranka Somaliland ee sanadkii la soo dhaafay, isga oo sheegay in bixinta darajooyiku ay dhiiri galisay ciidamada qaranka.

Waxana uu intaasi raaciyay in sanadba sanadka xiga ay awooda ciidamadu kor u sii kacayso, waxa uu sheegay in dayactir iyo  qalabayn lagu samyeeyey miiska saraakiisha ee burco, qodista ceel biyoodyo, iyo dhismaha qolal casri ah oo xarumaha ciidamada laga hirgaliyay.

Waxa isaguna munaasibada 21 guurada aas- aaska ciidamada qaranka ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaan dhiga Somaliland Cabdi Daahir Camuud oo sheegay in wasaarada gaashaan dhigu had iyo jeer dadaal ugu jirto sidii ciidamada qaranku waxbarasho iyo tababaro dibada iyo kuwo gudaha ahba u helilahaayeen.

Intii ay munaasibadaasi socotay ayaa waxa madashaasi riwaayad ku soo ban dhigay fanaaniinta ciidamada qaranka Somaliland riwaayadaasi oo loogu magic daray Anba Faydniye Waxba Ha I Fararin.

IMG_0229 IMG_0215 IMG_0195 IMG_0174 IMG_0170 IMG_0165 IMG_0162 IMG_0123 IMG_0113 IMG_0111 IMG_0088 IMG_0073 IMG_0069 IMG_0057 IMG_0054 IMG_0048 IMG_0038 IMG_0031 IMG_0025 IMG_0011

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed