|

Inka Badan 2800 Askari Oo Hore Looga Ruqseeyey Shaqadii ay Ciidanka Qaranka U Hayeen Oo Maanta U Ballansan Mudaharaad ay Ka Hordhigaan Madaxtooyada

Muqdisho:Feb-02-2014(SDN)-Inka Badan 2800 oo iskugu jira Generallo, Saraakiil iyo Dabley iskugu jira oo ka Tirsan Ciidamda Soomaaliyeed ayaa sida ballanku ahayd ku ballansanaa inay Maanta Bannaan bax ka Dhigaan Irridda Hore ee Madaxtooyada.

Ciidamada-HaweenkaKooxdan Ciidamada ka tirsan ayaa  Mudaharaadkan ay u ballansanaayeen ku muujinayey Cabasho ay ka Qabaan Shaqadii ay qaranka u hayeen oo dhawaan laga Rugseeyey.

 

Ciidankaani hore ee ruqsada loo jaray ayaa waxaa la sheegayaa in 800 oo kamid ah ay yihiin haween halka 2000 oo kalana ay yihiin rag isugu jira kuwa qaba tababar ay dalka dibadiisa kusoo qaateen in bandanna ciidanka qalabka sida ku jiray iyo tababarayaal heerkoodu sareeyo.

 

Gen Liili oo la sheegay inuu wax kusoo  bartay dalka Ruushka oo magaca Liili ku helay sida uu ugu fir-fircoonaa tababarka ayaa la sheegayaa in uu ku jiro saraakiisha la ruqseeyay ee maanta dibad-baxa dhigi doona.

 

Sida aan ku helnay ilo xog ogaal ah ciidankaan 3000 ku dhawaa oo la ruqseeyay ayaa waxaa loo aqoonsaday in ay howl gab-yihiin iyada oo dalka Soomaaliyana aanay ka jirin sanad gaar ah oo qofku howl gab ku noqon karo iyo waliba daryeel uu helayo kadib marka loo aqoonsado howl gab, waxaana taa kasii daran sida ay sheegeen khuburo meleteri in ciidanka kuwa shaqeynayay mushahar la’aan ay heyso aysanna suura gal aheyn in rag shaqada laga fadhiisiyay xuquuq lasiiyo.

 

Ciidankaan ayaa waxaa kamid ah rag dhalinyara ah oo aanay suuragal aheyn, waxaana khuburadu ay sheegayaan in taliyaha meleteriga Soomaaliya, Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarsho) oo isagu shaqada ka diray ciidankaasi isaga oo saxiix ka haysta madaxweynaha Soomaaliya uu dan gaar ah ka lahaa.

Lama Garan karo sida uu suurtagal u noqon karo Mudaharaadkaasi madaxtooyada Horteeda lagu ballansan yahay, waxana haatan la Dareemayaa inay Ciidana Ilaalada Madaxtooyadu si weyn ugu diyaargaroobayaan sidii ay uga Hortegi lahaayeen Kooxdaas is urursanaysa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed