Calanka Maamulka Puntland Hoos Loo Dhigay iyo Baroordiiq Saddex Cisho Loo Saymayn Doono Marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen
Garowe:Feb-02-2014(SDN)-Maamul-Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ayaa ku Dhawaaqay inay Geerida Ra’isal wasaarihii Hore ee Somalia Cabdirisaaq xaaji Xuseen Darteed Calankooda Hoos u dhigi doonaan.
Laga Bilaabo maanta laga billaabo ilaa Salaasada ayaa Calanka hoos loo dhigayaa, iyadoo Arrintaas Baroordiiqda ahna uu ku Dhawaaqay Madaxweyne Caddiweli Gaas.
Waxa uu sheegay Gaas inuu geeriyooday nin halyey ah oo Soomaalida u soo qabtay shaqo fiican isla markaana saddex maalin ay u tacsiyadeynayaan qoyska Marxuumka geeriyooday.
Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen ahaa dalka Ra’iisul wasaare ka soo noqday 1964-tii ilaa 1969-kii dowladdii Aadan Cabdulle Cismaan.
Wuxuu ka soo qeyb qaatay waxyaabo badan sida halgankii gobonimo doonka iyo shirar badan oo Soomaalida lagu heshiisiinayay wixii bur-burka ka dambeeyay.
Dowladda Federal-ka Soomaaliya ayaa sidoo guddi u saartay aaska qaran ee loo sameynayo Halyeey C/risaaq Xaaji Xuseen oo lagu wado in Muqdisho laga soo dajiyay meydkiisa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com