Dagaallo u Dhexeeya Laba Beeleed Oo Saaka Ka Bilowday Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Dhexe iyo Wararkii Ugu Dambeeyey
Balcad:Feb-02-2014(SDN)-Wararka Saaka Laga Helayo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Xalay Aaggaas ay ka dhaceen Dagaalo u dhexeeya Laba Beelood.
Wararka ayaa intaas ku Daray inay Jiraan Dhimasho iyo Dhaawac badan, iyadoo aan la soo Sheegin wax Waan waan ah oo Arrintaas laga Galay.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Yaaqle ee gobalka Sh/Dhexe iyada oo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalkaas balse xaalada iminka waa ay degan tahay.
Inta badan dadkii deganaa halkaas ayaa isaga cararay halka uu dagaalka ka dhacay waxaana la cadeeyay in ay xalay ay ku baryeen wabiga hareerihiisa si ay noloshooda u badbaadiso.
Ugu danbeyntii iminka xaalada waa ay degan tahay ilaa iyo hadana lama oga waxa ay isku heystaan beelahani,sidoo kale lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu Salka ku Hayo arrimo Deegaan oo ay Beelaha Halkaas Deggeni isku Maandhaafsan yihiin, waxana la Sheegayaa inay Dawladdu Haatan Abaabulayso Tallaabooyin lagu kala Dhex Galayo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com