|

R.Wasaarihii hore ee JFS Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo shacabka Soomaaliyeed uga taciyeeyey Geerida R.W. C/risaaq X. Xuseen

Muqdisho Feb 01,2014(SDN)-Raysal Wasaarihii hore ee xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ummadda Soomaaliyeed la qeybsaday murugada geerida naxdinta leh ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dawladdii Rayidka aheyd Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.
 
Raysal Wasaare Saacid ayaa yiri “Runtii aad baan uga naxay geerida C/risaaq Xaaji Xuseen, wuxuuna ahaa halyey Qaran, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisii, Qaraabadiisii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
 
 “Geerida R/W Cabdirisaaq waxaa ummadda Soomaaliyeed ku weyday geesi hal adag oo xorriyad doonkii iyo waqtigii dawladnimada-ba si micno leh ugu soo shaqeeyey Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
 

Innaa Lillaahi wa inaa illaahi raaajicuun

Comments are closed