Wasiirka Macdanta Wadanka K.Africa Kaga Qayb galaya Shirka Macdanaha Africa
Hargaysa 01.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka wasaarada macdanta somaliland mudane xuseen cabdi ducaale ayaa maanta u anbabaxay ka qayb galka shirka macdanta africa oo markii ugu horeysay somaliland lagusoo marti qaaday.
ka hor intii aanu wasiirka anbabixin madaarka cigaal ee magaalada hargaysa ayaa waxa uu shir jaraa’id ku qabtay xafiiska wasaaradadiisa ee magaalada hargaisa waxaana uu kaga waramay ujeedada safarkiisa iyo cida ku wehelin doonta, “maanta waxa aanu u anbabaaynaa sidii aanu uga qayb geli lahayn shirka macdanta africa oo ka qabsoomaya magaalada captown ee dalka koon fur africa safarkayga waxaa igu wehelin doona agaasimaha guud ee wasaarada tamarta waxaana rajaynayaa in aanu guul qaranka uga soo hoyin doono” sidaa waxaa yidhi wasiirka wasaarada macdanta oo warbaahinta uga waramayay ujeedada safarkooda maanta.
shirkan macdanta africa ayaa ah sanadkiiba hal mar waxaa lagu qabtaa africa waxaana lagaga wada hadlaa sidii loo horu marin lahaa macdanta africa wasiirka oo markale ka hadlaya ujeedada shirka ayaa waxa uu yidhi, “in kabadan 17 dal oo kamid ah wadamada qaniga ku ah macdanta ee qaarada africa ayaa ka qayb gelaya shirka waxaa kale oo iman doona wadamada horumaray ee aduunka waana shirka ugu balaadhan ee dhinaca macdnta aduunka waana shir ka balaadhan kii ausrelia ee aanu ka qayb galay waxaanu ku soo bandhigi doonaa aduunkana bari doonaa khayraadka dalkayaga”
shirka macdanta africa ayaa 19-kii sanadood ee la soo dhaafay waxa loo qabanayay si sanadle ah hase yeeshee waxaan suurto gelin in somlaliland lagu soo marti qaado balse wasaarada macdanta oo dedaal dheer arinkaasi ka gashay ayaa loo ogolaaday in ay ka soo qayb galaan waxaana la siiyay meeqaam la mida ka wadamada kale ee imanaya calanka somaliland ayaa badhtanka loo dhigay calamada wadamada hodonka ku ah macdanta ee qaarada africa,
badhtamaha todobaadkan ayaa la filayaa in shirku ka qabsoomo magaalada capetown gaar ahaan hoolka shirarka caalamiga ah ee CICC ee dalkaasi koonfur africa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com