|

G/Wakiilada oo dhaqangeliyay Xeer hoosaadkoodii lana Cayimay Halkii ay Gudoomiye ku Xigeenadu fadhiisanayeen

Hargaysa 01.Feb 2014 (SDN)- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa dhaqan geliyay xeer hoosaadkooda cusub ee ay ansixiyeen todobaadkii hore, waxaana goobo kala duwan loo asteeyay Guddoomiyaha iyo labadiisa Guddoomiye Ku xigeen ee dibad wareega ah.

Kuraas-Madhan-300x228Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa loo agaasimay hab maamuuskii fadhiyadda ee xeer hoosaadkani jidaynayay waxaana kursi dheer iyo mis bilic leh loo dhigay meel sare oo minbar ah si uu fursad iyo cidhiidhi la’aan ugu guto maamulka Golaha ee Mudaneyaashu ku muuneeyay.

Labada Guddoomiye Ku xigeen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo  Md. Cali Yuusuf Axmed oo dhawrkii fadhi ee la soo dhaafay aan ka soo xaadirin fadhiyada ayaa iyana loo habeeyay miis oo ay wadaagayaan  iyo laba kursi oo loogu tallo-galay  inay kaga qeyb galaan fadhiyada aqalka Wakiiladda.

Labada Guddoomiye Ku xigeen oo ka mid ah Mudaneyaasha xisbiga talladda haya kaga jira golaha Wakiiladda ayaa liqi waayay xeer hoosaadka Goluhu  sameeyay oo ay u fahmeen in la hagaajisay doorkoodii siyaasiga ahaa ee hoggaaminta golaha, waxaanay dibad wareeg ahaayeen sadexdii fadhi ee ugu dambeeyay ee Goluhu yeeshay.

Illaa hadda lama garan karo in labada Guddoomiye ku xigeen ay iimaansan doonaan sadka  ay ka heleen xeer hoosaadka  Golaha oo xildhibaanadii aqlabiyadda ahaa ee ansixiyay ay ku doodayaan inay nidaamka shaqo ee aqalkooda waafajiyeen heerarka caalamiga ah ee Baarlamaanadda caalamku ku shaqeeyaan, kaasi oo awooda koowaad siinaya Guddoomiyaha Golaha ama haddii si kale loo dhigo “Afhayeenka Baarlamaanka”.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed