|

Golihii Wasiirada ee Maamul Goboleedka Puntland oo la Dhaariyay

Garowe 01.Feb 2014 (SDN)- Golaha wasiirrada cusub ee Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Puntland-cabinet-300x200Maxkamadda sare ee Puntland ayaa 40 xubnood oo ka tirsan golaha waxay ku dhaarisay kitaabka Qur’aanka kariimka ah.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wasiirrada kula hadlay kulanka lagu dhaariyey ayaa kula dardaarmay inay waajibaadka ay u dhaarteen u gutaan si daacadnimo ah,  lana dagaallamaan musuqmaasuqa.

Kulanka maanta lagu dhaariyey inta badan xubnaha golaha wasiirrada Puntland waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Puntland.

Golaha wasiirrada maamulka Puntaland oo ka kooban 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiisu-dowleyaal iyo wasiir ku xigeenno ayaa la magacaabay dabayaaqadii bishii tagtay ee January.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed