|

Madaxweyne Siilaanyo Oo U Ambabaxay Magaalada Liverpool, Kulana La Yeelan Doona Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Halkaas Ku Sugan

London:Feb-01-2014 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Haatan Fasax ku Jooga Carriga Ingiriiska, ayaa  ka ambabaxay magaalada London isagoo ku sii Jeeda Magaalada Liverpool oo uu kulamo kula yeelan doono Jaaliyadda Reer Somaliland ee Halkaas ku dhaqan.

 

siilaaJaaliyada Reer Liverpool aya Beryahanba si Balaadhan ugu Diyaargaroobaysay Soo Dhoweynta Madaxweynaha, waxana La Filaya ino Maanta Halkaas Kala Hadla Jaaliyadaasi.

 

Waxa Iyana Madaxweynuhu uu  Booqasho Ugu tegi Doona Walaalki oo Ku Jiray Beryahan Dambe Cusbitaal Ku Yaala Isla Magaaladaasi oo Ku Xanuunsanayay.

 

Geesta Kalena Sidaan Wararka Ku Helayno Jaaliyada Reer Somaliland ee Magaalooyinka Waqooyiga Dalka INgriiska Sida, Manchester, Birmingham iyo Sheffield ayaa Iyana uu Diyaar Garoobaya Soo Dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Iyana Marti Qaad uu Fidiyay.

Madaxweynaha iyo Marwadiisa ayaa in muddo ah ku sugnaa Dalka Ingiriiska oo ay dhalashadiisa haystaan, waxana ay intii ayjoogeen Kulamo kala Duwan oo u badnaa Magaalada London la Lahaayeen Taageerayaasha Somaliland iyo Shacabka kale ee Daneeya Arrimaha Dalka.

Madaxweynaha ayaa  la filayaa inuu Jaaliyadda Reer Somaliland ee Liverpool u jeediyo Khudbad uu kaga Warramayo waxyaabaha u qabsoomay Muddadii uu talada Hayey, isagoo sidoo kale laga Filayo inuu jaaliyadda ku dhiirrgeliyo sidii ay qayb libaax uga qaadan lahaayeen horumarka Dalka iyo Dhismaha waddada Weyn ee Ceerigaabo iyo Burco isku Xidhi Doonta oo Xukuumaddu Ololeheeda si Weyn uga Waddo Waddamada Dibadda.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed