|

Soomaaligii afaraad oo Maxkamad Mareykanka ku taal xabsi dheer ugu riday lacago uu u diray Shabaabka

San Diego Feb 01,2014(SDN)-Nin Soomaali ah oo Tagsiile ka ahaa magaalada Anaheim ee gobolka California ayaa noqday ruuxii afaraad ee Soomaali ah oo maxkamadi ku hesho in uu taageero dhaqaale iyo kaleba u fidiyay kooxda Al Shabaab.

Axmed Nasir Maxamuud oo 38 jir ah ayaa maxkamadu ku ridau xabsi lix sanadood ah.

Axmed iyo sadex kale oo ruux oo Soomaali ah ayaa maxkamadi ku heshay in ay taageero dhaqaale u ururiyeen kooxda Al Shabaab oo Mareykanka ka diiwaan gashan Argegixiso.

Sirdoonka Mareykanka ayaa mid ka mida afartan ruux ka duubay mar uu la hadlayay hogaamiye ka tirsan Shabaabka oo iminka Mareynku khaarijiyay.

Hogaamiyaha ayaa u sheegayay in ay lacag u ururiyaan Jihaadka Soomaaliya.

SDN-San Diego
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed