Ciidamada Amisom oo Joojiyay Sii Socoshada Shirka Maamul ee Baydhaba iyo Dadweynaha oo kaga Jawaabay Isu soo Bax
Baydhaba 30.Jan 2014 (SDN)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ay dhigeen dadweyne ka careysan is-hortaag ay Ciidamada Ethiopia ee ku biiray dhinaca AMISOM ku sameeyeen Shir lagu dhisayo maamul oo ka socday Baydhabo tan iyo sanadkii hore.
Ciidamada Ethiopia ayaa diiday sii socoshada shirka, iyagoo xiray xarunta uu shirku ka socday ee ADC-da, waxaana taasi ay keentay inay dibadbaxyo ka dhigaan magaalada Dadweyne taageersan shirka.
Shirka Maamul u sameynta Gobolada Koonfurta iyo Galbeedka Somalia ayaa ka socday Baydhabo ilaa sanadkii hore, iyadoo shalay la dhaariyay guddi 73 xubnood ka kooban oo howlaha shirka sii wadaya.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta keentay in shirkaas is-hortaag ay ku sameeyaan Ciidamada Ethiopia ee AMISOM ka tirsan ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in amar kasoo baxay Villa Somalia lagu sheegay in gabi ahaan shirarka ka socda Baydhabo la joojiyo.
Sidoo kale waxaa la joojiyay shir kasoo horjeeday shirkan oo la sheegay in lagu dhisayo Maamul Goboleed ay yeeshaan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kaasoo uu hormuud u ahaa Xil. Shariif Xasan Sh. Aadan.
Magaalada ayaa waxaa lagu gubay taayaro iyadoo dadweynaha ay markii dambe galeen Xarunta ADC-da Baydhabo oo uu shirka ka socday, waxaana ciidamadii Ethiopia ee ilaalada ka hayay ay markaas bilaabeen inay isaga baxaan.
Ciidamada Ethiopia ayaa intii uu dibadbaxu socday waxay fureen rasaas aad u badan inkastoo aysan khasaare geysan, iyadoo shirka uu is-taagay ADC-dana ay ku sugan yihiin dadweynihii gudaha u galay iyo ergooyinkii uu u socday shirka.
Ma jiro mas’uul ka tirsan DF oo weli ka hadlay arintan, waxaana xili dambe oo maanta dagtay xaalada Baydhabo, waxaase weli ku sugan wadooyinka magaalada Dadweyne ka careysan amarka lagu hor-istaagay shirweynaha.
Hoteelka Bakiin oo uu shirka kasoo horjeeday shirkan ka socday ayaa isna xaaladiisu dagan tahay, waxaana joogsaday shirkii halkaas ka socday, ma jiro mas’uul Maamulka Gobolka ka tirsan oo weli arimahan ka hadlay.
Baydhaba SDN.
Qurbejoog.com