|

“Uma Arko in Awoodii Labada Gudoomiye Xigeen ee Wakiilada hoos loo dhigay,Balse Waxaa la Waafajiyay Heerkii Caalamiga ahaa” Jamaal Cali Xuseen {DHAGAYSO}

Hargaysa 30.Jan 2014 (SDN)- Murrashaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanu u arag in hoos loo dhigay awoodii labada Guddoomiye Ku xigeen ee aqalka wakiiladda, hase yeeshee uu xeer hoosaadkoodan cusubi la waafajiyay hanaanka caalamiga ah ee Baarlamaanaddu u shaqeeyaan.

JAMAAL CALI XUSEEN SAXJamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u warramaya warbaahinta waxaanu sheegay inay xisbi ahaan taageersan yihiin xeer hoosaadka cusub ee Golaha wakiiladdu codka aqlabiyada ah ku ansixiyay.

 

Murrashax Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu ka hadlay xilalka sarsare ee maamul goboleedka Puntland siiyay siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Sanaag, barri, Sool iyo Buuhoodle, waxaanu ku dooday in xukuumadda Siilaanyo ay tahay tii beelahaasi saamiga ugu yar ka siisay kuraasida dawladda ee muhiimka ah.

Guji Halkan oo Mobilkaaga Ka Dhagayso Hadalkii Jamaal Cali Xuseen
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/JamaalCali30.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed