|

Dib u Dhac ku YimiDhaarintii Xubnaha Golaha Wasiirada ee Maamul Goboleedka Punt land

Garowe 30.Jan 2014 (SDN)- Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimi dhaarinta gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo lagu waday inay maanta ka dhacdo xarunta madaxtooyadda.

wasiiradda_cusubWarar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay saraakiisha madaxtooyadda ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimi dhaarinta wasiiradda,waxaysa ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan sababta ka danbaysay in dib loo dhigo.

Wasiiro gaaraya 36-xubnood ayaa ku sugan magalada Garowe iyadoona qaarkood ay dalka wali soo gaarin,dadka falanqeeya siyaasada Puntland ayaa tilmaamaya xukumadda cusub in laga dhowrayo fulinta balan-qaadyadii hore loo sameeyay.

Barnaamijyo hormarineed oo ay ka mid yihiin JPLG,dhismaha garoomadda diyaaradaha iyo kuwo kale oo ay wadeen hay’addo caalamiya ayaa Puntland ka socday,waxana gacanta ku hayay oo mamuliyay dowladii hore ee Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed