|

TALO IYO TOOSIN KU SOCOTA GOLAHA WAKIILADA JSL.

·         Golihii wakiilada ayaa shiray oo arin soo saaray, waxaa ka cadhooday laba ka mid ah saddexdii shir-guddoonka.

·         Shirkii golaha waxaa ma maqnaa qaar kamid ah shir-guddoonka, oo aan ka soo xaadirin madasha shirka iyagoo xafiiskooda dhex fadhiyey.

·         Gudoomiye-ku-xigeenka labaad xafiiskiisa ayuu hoosta ka soo xidhay mana uu iman shirkii.

·         Khilaaf iyo ismaadhaaf u dhexeeya shir-guddoonka ayaa jira

·         Shirka Turkiga barlamaanka ayaa noo raacaya, cid ay isla waafaqsan yihiinna maanaaan soo dirin

Erayadani waa kuwo ku batay saxaafadda dhagahayga iyo maankaygana si gaara u mashquuliyey, waxaan is waydiiyey su’aalo faro badan, waxaan in door ah warsaday asxaabta, waxay iigu jawaabeen “mooyi, garan mayno…” waa ta igu kaliftay inaan qalinka dul dhigo buugga oo aan qormadan halacsado intaanan odhan ‘BOQORKU DHAGO DAMEERAAD BUU LEEYAHAY’, ama aanay dhaawac  khaldan u gaysan maankayga iyo ka asxaabtayda ila wadaagta fikirka.

MARKA HORE

Golaha Wakiilada JSL waxay sida magacooda ka muuqada wakiil ka yihiin shacabka soo doortay ee meesha ay ku fadhiyaan codkooda, markaa waxay ku joogaan kalsooni iyo awood isku mid ah, haba kala codbadnaadeene, waxay ka kala yimaadeen gobolada JSL, waa laga yaabaa ama waan filayey in sannadka ugu horeeya inay midba dabeecad uu gobolkiisa kala yimid uu kula dul dhaco mid ka dabeecad duwan oo isna gobol kale ka yimi, khilaaf iyo is fahanwaa  sababi kara, intaa kadibna kadibna in xeer iyo nidaam la dajiyo oo mid waliba xeerkaasi iyo la qabsi nafta iskaga abuurani noqdo dabeecadda aqalka la ogol yahay, mid waliba tiisii hore tan ku badalo.

LAAKIIN

Marnaba maan filayn in 8 sanno kadib dabeecad cusub nin waliba la soo baxo oo khilaaf iyo khalkhal hor leh ka dhex dilaaco golihii intaas oo dhan heshiiska ahaa, su’aasha halkaa aan iska waydiiyey ee ku munaasibka ahi waxay tahay ‘maxaa xiligan keenay khilaafka intan le’eg ee sababay in Hayaddo kale soo dhex galaan Golaha?!’. waa su’aal da’ waynoo madaxa daalinaysee Jawaabteeda aan degdeg u helo.

 

XEERKA GOLAHA

Golaha wakiilada JSL waxay leeyihiin xeer kala haga oo lagu dhaqmo wixii soo kala dhex galena isaga ayey ku xalistaan, waxaana loo yaqaan ‘XEER HOOSAADKA GOLAHA WAKIILADA JSL’. Xeerkan waxaa loogu codeeyey qodob qodob, qodob kastaana uu helay cod aqlabiyad ah, waxaanu ku ansaxay cod gacan taag ah oo dhamaan mudaneyaashu ku ogolaadeen, laguna meel mariyey kalsoonidana uu ku helay 100% kalsoonida xubnaha Golaha, taas oo cid diiday iyo cid ka aamustay toona ayna jirin, waana xeerkii ugu horeeyey oo ay soo saaraan muddo dhawr bilood ah ka dib marka toos u badaleen golihii hore, xeerkani maaha wax umadda ka qarsoon, iyo wax heliddiisu adag tahay toona,  “http://somalilandparliament.net/index.php/downloads/rules-of-procedures”.

Halkaa markaynu maraynona waxaa iyana haboon inaynu is waydiino su’aashii mid jawaab ahaan u yara dhow laakinse anigu aan rabo in la ila hubiyo oo ah sababta khilaafka oo noqonaysa ‘xubnaha Golaha ma qaar ayaan akhriyin xeerkan aynu kor ku soo sheegnay?,  Mise qaarkood ayaan si fiican u fahmin?, Mise muddo ayaa laga joogaa wakhtigii la ansixiyey oo ahayd bilowgii 2006-diiye way ilaabeen?, Mise sharciga ku dhaqankiisa ayaa ku adag marka uu dantaada ka hor yimaado?!

COD BIXINTA

Golaha Wakiiladu marka ay yimaadaan shirarkooda/fadhiyadooda waxay u codeeyaan wixii cod u baahda, waana lagu kala baxaa oo waxaa la raacaa halka loo bato, (Majority), markaa ma banaana in kii laga cod batay uu fawdo iyo rabash sameeyo, ama u hogaansami waayo codka, ama diido oo xarunta shirka ka baxo, waana loo siman yahay in codka aqlabiyadda ah loo hogaansamo, shir-guddoonkuna ma laha awood dheeraad ah oo ay ku diidi karaan wixii goluhu ogolaado ama wixii ay diidaan inay ogolaysiiyaan, ee waxay la siman yihiin xubnaha kale

GABOGABO/TALO BIXIN

Sidaan hore u sheegay Goluhu waxay ku joogaan codkii shacabka ee ay siiyeen 2005-tii, shir-gudoonkana iyagaa iska dhex doortay, wax ay dheeryihiin xubnaha kale waa karaamo iyo xurmo ay iyagu siiyeen, wayna ka tuuri karaan wayna u dayn karaan, maaha in aanu kolba maqalno shirguddoonkii baa kala qaybsan iyo agendaha may soo wada diyaarin.

Waxaan ku talin lahaa qodobadan

·         Waxaan hambalyo iyo taageero u soo jeedinayaa Golaha wakiilada JSL guud ahaan, gaar ahaan inta jecel inay dadkoodii u codeeyay raali galiyaan, oo si daacad ah ugu adeegaan

·         Golaha Wakiilada waxaan u haynaa sharaf iyo ixtiraam wayn, si ay kalsoonidayada u sii haystaan waa inay isku duubni iyo midnimo la yimaadaan

·         Shir-guddoonka waxaan u soo jeedinayaa inay aqlabiyadda u hogaansamaan, waliba laba guddoomiye-ku-xigeen waa inay qodobkan eegaan oo sharciga aad u akhriyaan ixtiraamaanna, waayo labadooduba waxay si cad u sheegeen inayna aqlabiyadda golaha u hogaansamayn, oo aanu wax jira ahayn waxay u codeeyaanna

·         Waxaan odhan lahaa farogalinta ay Goluhu ka cawdeen ee lagu hayo ha laga daayo, oo shaqadooda ha loo madaxbaneeyo, ama xukuumad siday hadalka udhigeen ha noqoto ama cidkale’e

·         Waa in xeer hoosaadka golaha aqoon loo yeeshaa oo la akhriyaa si aynu u ogaano ka khaladka leh iyo ka kale, iyo waliba shuruucda kale ee dalka u dajisan, inaguu caqliga sanna ku miisaamaynana garaadkeena kaashanaa

·          Labada guddoomiye-xigeen waxaan u soo jeedin lahaa karaamada iyo sharafta waxaa ku leedihiin inaad u hogaansantaan aqlabiyadda golaha wakiilada, waxan kale ee sheegaysaan xaq uma lihidin inaad ku dacwootaan, waxaad yeeli kartaa inaad kasbato tirada ugu badan ee xubnaha si waxaad rabto aad u sheegto ama cid u dacwayso, khilaafkana idinku dhexdiina dhamaysta oo sida ku cad xeerkiina Gudida joogtada ah u geeya

Mahadsanid

 

Abdillahi Adam Caabi

0634427115

Comments are closed