|

Cahdigii Balan furka,iyo Khudbado aan Rumoobin,Dhagayso oo Wax ka Dheh!

Hargaysa 30.Jan 2014 (SDN) Waa Debciga Siyaasiga u Hamuunta Qaba Hanashada Kursiga uga sareeya ee dal laga Hogaamiyo,Waxa uu ku hadlaa Xiliga uu Loolanka ku Jiro inuu isu taagay Wax ka qabashada baahiyaha adeega bulshada ee Maamulka Xiligaa Joogaa uu ka gaabiyay Wax ka qabashadooda, Waxa uu Soo bandhigaa dhaliilaha iyo bog jilicda Xukunka uu Mucaaridka ku yahay uu leeyahay,Waxa uu damqaa Nabarada Ummadu qabto ee Cid baanata doonaysa .

DHAARINTII MADAXWEYNE SIILAANYOWaxa uu Sheegaa Wax kasta oo uu u arko inay Bulshadu ugu soo dhawaanayso kagana fogaanayso cida ka soo hor jeeda,Xusuustiisa kuma jirto in Saxaafad Madax banaani ay hadhow la daba joogto Xisaabtan soona bandhigi doonto dhawaq kasta oo beer laxawsi ahaa oo uu Shacabkiisa u Jeediyay.

Dhagayste Balanqaadyadan Markaad Maqasho Maxaa laga qabtay Mase la Odhan karaa Cahdigii Balan furka Maadaama ay Xukuumada Xisbiga Kulmiye Sadex Sanno Jirsatay isla markaana ay laba Sanno oo Keliyi Mudadii Xil-hayntooda ka hadhay.

Shabakada Qurbejoog.com ayaa halkan idiinku soo Gudbinaysa Balanqaadyadan aan Rumoobin iyadoo Qaybo kalena aad Maqli doontaan.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Weedhan Laga Guntay Madaxweyne Siilaanyo iyo Maamulkiisa
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/balan2014.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed