Sirdoonka Maraykanka oo Cod Dheer kaga Digay Weeraro Argagixiso oo Mar kale lala Beegsado Kenya
Nairobi 30.Jan 2014 (SDN)- Madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa Arbacadii shalay ka digay weerarro cusub oo kooxda Al-Shabaab ay ka geysato dalka Kenya.
James Clapper ayaa u sheegay xubnaha guddiga sirdoonka ee aqalka odayaasha Mareykanka in dowladaha Bariga Afrika ay wajahayaan caqabad la xiriirta ka hor-tagga weerarrada argagaxisada ah.
Hase yeeshee wuxuu sheegay inay dowladda Kenya kordhisay dadaallada la dagaallanka argagaxisada tan iyo muddadii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysatay xarun laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha Nairobi, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 70 qof.
Wuxuu xusay inay Al-Shabaab qorsheyneyso inay weerarro ka geysato dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda maxaa yeellay dalalkan ayaa ciidamo u diray Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com