|

Deegaano ka Tirsan Gobolka Sool oo la Sheegay inay soo Gaadheen Kooxo Alshabaab ah oo ka soo Cararay Buuralayda GalGala

Xidh Xidh 30.Jan 2014 (SDN)- Deegaanka Xidhxidh ee gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa in uu noqday dhufays labaad oo ay kooxda Galgala degan ee Alshabaab u isticmaasho xaruntooda labaad ee ay ka dageen Somaliland, halka buuraha Galgala oo toddobaadkan dagaal ba’ani ku dhex maray ciidanka daraawiishta Puntland ay ka ahayd bogcada ugu haboon ee ay gabaadsadaan marka ay ka yimaadaan Somaliya.

DAGAALKA ALSHABAABMuddo imika laga joogo dhawr bilood ka hor waxa soo baxayey warar sheegayey in saraakiil Alshabaab ka tirsan oo u dhalatay Gobolka Sool xidhiidh hoose la soo sameeyeen Somaliland, isla markaana ay soo dalbadeen cafis, balse markii danbe la waayey meel uu ku danbeeyey dalabkoodu.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Somaliland ayaa xaqiijiyey in ay jiraan warar ay is-dhaafsadeen kooxdaasi, hase yeeshee waxa ay markaasba dareen taban ka bixiyeen qorshahaasi runnimadiisa, iyagoo ku tilmaamay Ged ay yaqaanaan mararka qaarkood kooxdaasi oo ay gabaadsadaan inta ay fulinayaan hawlgaladooda dagaal.

Kooxdaas la soo xidhiidhay Somalailand oo ay ka mid ahaayeen niman caan ahi illaa hada lama oga meel ay ku sugan yihiin, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya in ay saldhig ciidan ka samaysteen, halkii ay awal hore deegaankaasi uga isticmaali jireen marin ahaan, isla markaana ay ku xidhiidhin jireen socotadooda isaga gooshi jirtay Buuralayda iyo Koonfurta Somaliya.

Deegaanka Xidhxidh oo ah goob u dhaxaysa Maleeshiyada Buuhoodle iyo Somaliland taasoo aanu ka jirin Nidaam xukuumadeed oo la tacaali kara kooxaha ku dhuumaalaysta maadaama ay fursadaasi tahay ta u sahashay inay gabaadsadaana ma jirto cabsi balaadhan oo ay ka qabaan.

Ciidamadda Itoobiya oo ka dhaw deegaankaasi ayaa dhawr jeer dagaalo goo-goos ah la galay kooxdan oo qaarkood gaadhsiiyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu jira, halka kuwa Itoobiyaanka ahna sidaas oo kale khasaaare kaas la mid ah ay ku gaadhsiiyeen.

Ma jirto talaabo ciidamadda Somaliland ka qaadeen kooxdan, hase yeeshee Puntland oo ay la dagaal dagaalaan ciidamo caloosh u shaqaystayaal ah oo ka tirsan hay’add amaan oo lagu magacaabo Saracen ayaa mararka qaarkood ku qaada weeraro qorshaysan si ay uga hortagaan khatar kaga timaada kooxdaasi oo kulaalaysa magaalooyinka waaweyn ee ay ka mid yihiin Boosaaso iyo Garoowe.

Kooxda Alshabaab ayaa dagaalo qorshaysan si joogto ah uga fulin jiray Laascaanood kuwaas oo muddo badan socday balse ugu danbayntii waxa ay Somaliland ku guulaysatay in ay xididada u siibto, inkasta oo Eedaysanayaal ka tirsan kooxahaasi xabsiyada ku jiraan oo aan la maxkamadayn, hadan dhibtoodii dadka Reer Laascaanood way ka nasteen.

Si kasta ha ahaatee, waxa jira dareeno walaac ka muujianaya deegaanka xidhxidh haddii aan si dhakhso ah looga hawlgalin in ay ku dilaacsan doonaan Ugxan Eel halis ah ku beerta Gobolkaas,taasoo saamayn doonta Mandaqada, maadaama Xilligan Xulafada AMISOM ay balanqaadeen in ay xididada uga siibi doonaan sanadkan Koonfurta Somaliya.

Xidh Xidh SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed