Madaxweyne Xasan Oo Ku Gooddiyey inuu Soo Iibsan Doono Hub iyo Saanad Militari oo uu Kula Dagaalamo Al-shabaab, Baaq Cusubna u Diray Qaramada Midoobay
Addis Ababa:30-Jan-2013 (SDN)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo Haatan Magaalada Addis Ababa Kaga Qaybgelaya Shirka 22-aad ee Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika, ayaa Ka Hadlay Arrimo Dhawr ah oo dawladiisa ku Saabsan iyo Tallaabooyinka ku qorshaysan Mustaqbalka Dhaw.
Madaxweynaha ayaa isagoo u warramayey Warkaalada Wararka ee Reuters, waxa uu Carrabka ku dhuftay inuu Dhawaan Soo Iibsan doono Hub iyo Saanad Militari oo uu kula Dagaalamo Kooxaha Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa ku Adkaystay inay xaq u leeyihiin soo Iibsashada Hub badan, maadaama Dhawaan ay ciidamo tiro badani tababaro kala duwan soo dhamaysteen, kuwaas oo u Baahan in Si weyn loo Hubeeyo si ay dagaal ula Galaan Kooxaha Dawladda ka soo horjeeda.
Waxa kale oo uu sheegay inay ka Go’antahay inuu Dabar jaro oo uu wax ka Qabto Musuqmaasuq iyo Wax is daba marin ka jirta Maamulkiisa Haatan.
Madaxweynaha ayaa golaha ammaanka QM ka codsaday in ay ka qaadaan cunaqabatenta xagga hubka ee saaran dalka in kastoo qayb ka mid ah laga qaaday.
Wuxu sheegay in mardhow ay qaadi doonaan dagaal ka dhan Al-Shabaab kaasoo lagu doonayo in looga xoreeyo dalka oo dhan.
Wuxuu sheegay oo kale madaxweynaha in ay damacsan yihiin in ay isku filnaan gaadhaan oo ay ka maarmaan ciidamada Midowga Afrika ee jooga dalka haddii ay helaan hub iyo ciidan ku filan.
Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka hadlay qorshe cusub oo dowladiisa ay damacsan tahay taasoo in la timaado hannaan hufan oo ku aadan in kor loo qaado hey’addaha dhaqaalaha dalka lana yimaado isla xisaabtan si meesha looo saaro musuq-maasuqa ragaadiyay Soomaaliya.;
Madaxweynaha ayaa rajo fiican ka muujiyay in Soomaaliya ay gaari doonto meel fiican sannadka 2016-ka isla markaana dalka ay ka dhici doonto doorasho xor, Al-Shabaab laga saari doono waddanka oo dhan sidda uu hadalka u dhigay.
S.D.N