|

Sheekh Xasan Daahir Oo Laga Saaray Xabsigii uu Ku Jirey, Loona Wareejiyey Aqal Muqdisho Ku Yaalla

Muqdisho:30-Jan-2014(SDN)-Wararka laga  Helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Oday Xasan Daahir Aweys si Rasmi ah looga saaray Xarunta Habar Khadiija oo Xarun u ah Ciidama Nabad-sugidda.

awaysSheekha ayaa La Sheegay in Haatan wixii ka Dambeeya aanu ku Jirin doonin Xaruntaas, maadaama arrintaas laga Gaadhay Heshiis Buuxa.

Sheekha ayaa la Sheegay inuu Wixii imika ka Dambeeya ku Jiri doono Aqal ku Yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasna ay ku Ilaalin doonaan Ciidamo ka Tirsan kuwa Somalia.

Tallaabada sheekha lagaga Saaray ayaa ka dambaysay Kulan dhawaan Magaalada Muqdisho ku Dhex maray Madaxweyne Xasan iyo  Hoggaanka Beesha uu Sheekhu ka soo Jeedo, waxana uu Madaxweynuhu Markaas Ballan ku qaaday inuu Xabsiga ka saari doono, isla-markaana Geyn doono meel uga nolol wanaagsan oo aanu Dhibaato kala kulmi doonin.

Sheekha ayaa muddo dheer halkaas ku xidhnaa waxana jirey Khilaaf ballaadhan oo xadhigiisa ka dhashay, iyadoo wali  lagu wado baadhitaano la xidhiidha danmiyo la sheegay in loo haysto.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed