|

Wararkii Ugu Dambeeyey Deegaanka Walla-weyn Oo Ciidamo Dawladda Ka Wada Tirsani Shalay Ku Dagaalameen

Walla-weyn:30-Jan-2014(SDN)-Warka ka Imanaya Saaka Degmada Walla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya inaan saaka Halkaas wax iska Hor imaad ahi ka Dhicin, balse Ciidamadii ka Wada Tirsanaa Dawladda ee Shalay Halkaas ku Dagaalamay Wali is Horfadhiyaan.

WALLAWararka ayaa intaas ku daray in Labada dhinac ay isku Hub urursanayaan, balse ay kala dhex galeen Maamulka Sare ee Deegaanku, iyadoo lagu wado inaan wax dambe oo khasaare ahi dhicin.

 

Guddoomiyaha Walla-weyn oo la Haddlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay inaan wax xaalad dagaal ahi aanay ka jirin deegaankaas oo la Gebogebeeyey wixii hore u dhacay.

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa maalintii shalay ka dhacay degmadaasi Wala-weyn iyadoo uu jiro khasaare soo kala gaadhay ciidamada dagaalamay, waxana jira  tiro dhimasho iyo Dhaawac ah oo Halkaas lagu arkay.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee ku dagaalamay Wall-weyn ay u abaabulan qaab beeleed, taas oo Keentay inaan Joojinta Dagaalkooda si fudud loo joojin karin.

 

Dowladda Federal-ka Soomaaliya ayaa weli si dhab ah wax uga qaban arrinta Shabeellaha Hoose oo soo laab-laabatay dhowr jeer.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed