|

Human Right Watch Oo Soo Saartay Warbixin Fajac Ku Ridday Hoggaanka Dawladda Somalia iyo Is Barbar dhig Lagu Sameeyey Meelaha Gacanta Ugu Jira Xukuumadda iyo Al-shabaab

New  York:30-Jan-2014(SDN)-Hay’adda Xuquuqda Aadamiga u Doodda ee Human Rights Watch, ayaa Soo Saartay Warbixin dheer oo ay ku Iftiiminayso inaan Shacabka Somaliyeed isu dhaamin Xoogaga Alshabab iyo Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Somalia.

humanWarbixin dheer oo Hay’addu soo Saartay, ayaa lagu sheegay in dhamaanba Dedaaladii Dawladdu Caqabad ku noqdeen Ammaanxumo iyo Aqoondarro dhinaca Hanaanka Hawlaha loo Maamulo ahi, isla-markaana aanay Jirin Wax Farqi ah oo u dhexeeya Kooxaha islaamiyiinta ah ee Meelaha qaar laga Xorreeyey iyo Dawladda Haatan Gacanta ku haysaa.

Dhammaan dhinacyada muddada dagaalka hubeysan ka waday Soomaaliya waxa ay mas’uul ka yihiin xadgudubyo halis ah oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah, sida weerarro aan loo meel-dayin, xadgudubyo jinsi, iyo dad si aan kala sooc lahayn loo qabqabtay loona xidhay, sida lagu sheegay warbixinta soo baxday 21-kii January ee Sanadkan aynu ku jirno.

Al-Shabaab ayaa ka talisa in badan oo ka mida koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay kooxda xagjirka ahi “ay sii waddo in ay si khasab ah ku askareyso dadka waaweeyn iyo carruurta, ku oogto caddaalad iska yaac ah, isla markaana ay ku xaddiday xuquuqdii asaasiga ahayd,” sida lagu sheegay warbixinta.

“Al-Shabaab waxa ay fulisay dilal bar-tilmaameedsan, gowracyo iyo daldalaad, gaar ahaan kuwa loo geystay shakhsiyaad lagu eedeeyay basaasnimo,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta ayaa si gaar ah loogu xusay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay caasimadda — sida weerarkii ismiidaamiska ahaa ee ay koomaandoosku ka fuliyeen xarunta maxkamadda ee Muqdisho bishii April kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof oo rayid ah, weerarkiiismiidaamis ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay bishii June kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan siddeed qof iyo weerarkii 7-dii September lagu qaaday makhaayadda Village kaas oo ay ku dhinteen 30 qof halka ay ku dhaawacmeen 50 kale.

Si kastaba ha ahaatee, al-Shabaab kali kuma ah tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay Soomaaliya.

“Kuwaa dagaalka kula jira al-Shabaab — kuwaa oo isugu jira ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ciidamada dawladda Itoobiya iyo malleeyshiyaadka xulafada la ah — ayaa sidoo kale sameeyay tacaddiyo,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta ayaa tusaale u soo qaadanaysa bishii February, markii xukuumadda Soomaaliya ay xidhay gabar la sheegay in la kufsaday iyo saxafigii waraystay. Garsoorka ayaa labadaa qof ku helay dambi ah in ay “ceebeeyeen sumcadda hay’adaha dawliga ah”, laakiin mar dambe ayaa dambigii laga qaaday kadib markii ay dacwaddu dhalleeceeyn ballaadhan kala kulantahay caalamka.

Intaa waxaa dheer, Soomaaliya waxa ay wali baaqi ku sii tahay meelaha ugu halista badan caalamka ee ay saxafiyiintu ka shaqeeyn karaan, “iyada oo wax ka qabasho la’aanta dilalkaasina ay wali sii jirto,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ay noqon doonto qaddiyadda ugu horreeysa ee wasaaraddeedu wax ka qabato.

Waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay wali ka soo kabaneyso ku dhawaaad labaatan sano oo dagaal sokeeye ah, laakiin ay xukuumaddu ka shaqeeynayso horumarinta xuquuqda aadanaha ayna bilaabi doono ololayaal wacyigalineed iyo barnaamijyo wax lagu barayo dadweynaha.

“Dad badani aqoon badan kama haystaan arrimaha la xidhiidha xuquuqda aadanaha, marka waxaa fiican in ay fahmaan xuquuqdooda,” ayay tidhi.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in xukuumaddu ayan raacan doonin saxafiyiinta soo tabiya xaaladaha kufsiga, sida xaalku ahaan jiray markii hore.

Dhiniciisa, ayuu Cabdullahi Xasan Shirwac, oo ah agaasimaha ururka fadhigiisu yahay Muqdisho ee Somali Peace Line, ayaa sidoo kale ku dhalleeceeyay xukuumadda sida ayan uga soo bixin ballanqaadyadeeda ku aaddan horumarinta xaaladda xuquuqda aadanaha gaar ahaan tan barakacayaasha iyo haweenka.

“Tobanaan kun oo ah dadka barakacayaasha ah ayaa ku sugan xaalad aad u daran magaalada Muqdisho waxana ay mar walba la kulmaan kufsi, guryaha oo khasab looga saaro iyo beel-takoor aan loo aabayeelin oo ay kala kulmaan gacanta xukuumadda, malleeyshiyaadka isbahaysiga la leh iyo shakhiyaad gaar ah oo ay ku jiraan maamulayaasha xeryaha oo loo yaqaan ‘horjoogayaal’,” ayaa lagu qoray warbixinta HRW, iyada oo intaa ku dartay in horjoogayaasha iyo malleeyshiyaadku ay sidoo kale xeryaha ka weecsadeeen oo ka xadeen cunno gargaar.

“Waxan arki karnaa in ballamo badan ayan waxba ka soo noqon sababtoo ah [tacaddiyada la xiriira xuquuqda aadanaha] wali waa ay jiraan, marka inta ay dhibaatadu jirtana, waxa muhiim ah la dadajiyo dadaallada meesha looga saarayo dhibaatooyinkaa,” ayuu Shirwac sheegay. “Aniga ra’yigeeygu waxa weeye in dadaallada wax looga qabanayo arrimahaas aan laga gaarin yoolkii laga lahaa kana fogyihiin xittaa wax loo qaateen ah. Sidaa darteed, hay’adaha dawladda ee arrinkaa uu khuseeyo waa in ay mas’uuliyad gaar ah arrinkaa ka qaataan.”

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka lagu hayo saxafiyiinta, haweenka iyo dadka barakacayaasha ah ay yihiin arrimo sidoo kale khuseeya gabi ahaan dadweynaha.

Warbixinta ayaa ugu dambayntii dhinaca Garsoorka Dawladda iyo Meelaha ay maamulaan Kooxaha islaamiyiinta ahi ku Tilmaanay qaar caddaaladda ka Fog, waxana ay sheegtay inaanay dadka Goobahaas yimaaddaa aanay Helin Garsoor cadaaladi ku dheehan tahay.

Warbixintan ayaa Noqonaysa Mid si weyn u soo Bandhigtay Dhibaatooyinka ay Bulshada Somaliyeed wali kala kulmayaan Maamulka Dawladda oo  aan laga Filaynin inuu Maanta Heerkaas Gaadhsiisanaado, waxana Middaasi Meesha ka saaraysaa oo Niyad jab ku ridaysaa  Yididiiladii ay qabeen inay Dawladdu qaadi karto Tallaabooyin Muhiim u ah Xorriyadda iyo Nolosha kale ee Bulshada.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed