|

Maanso Cusub oo ay Tirisay Abwaanad Nimco Gabaydo laguna Magacaabo Ka Diimoon Garashadaydu {DAAWO}

Hargaysa 29.Jan 2014 (SDN)- Nimco Aadan Hure oo lagu Naanayso (Nimco Gabaydo) ayaa Soo saartay Maanso Cusub oo ay ugu Wanqashay ” KA DIIMOON GARASHADAYDU” ayay kaga Hadashay Wada hadalada u Socda Somaliland iyo Somalia .

NIMCO GABAYDOMaansadan ayaa Waxaa Ereyadeeda ka Mid ah :-

Hadduu Dabluhu yahay Fariidka
Nin liidkuna sii dallacayo
Haddii Geesiga iyo Diraca
Fuluhu ka dubaalad dheeryahay
Hadduu Deeqsigu saboolay
Bakhaylkuna Duunyo Haysto
Haddii laga maamay Daacad
Hadday Dembi tahay Xaqiiqdu
Daruurina noqotay Beentu

Caddaalad haddii la duugay
Garsoorkii Daadku qaaday
Dastuurkii la bililiqaystay
Diiwaangelintii la laalay
La dumiyoo labadii Golena
Dubbiyo loo qaatay Cawjad

Dikteetar Hadduu ifaayo
Hadduu Daba-dhilif adeegayo

Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
 

Comments are closed