|

“waxaan ka rabnaa diyo 100 halaad ama in ay noo qisaasaan askariga waday baabuurka dilay marxuumka oo ka tagay toddobo carruur ah” Suldaan Axmed

Muqdisho:29-Jan-2014 (SDN)-Qoyska iyo  Ehelka Ninkii shalay Ciidanka Amisom ku Dileen Magaalada Muqdisho, ayaa Markii ugu horraysay war ka soo Saaray meesha ay wax u marayaan.

mayQoyska ayaa sheegay inay Maanta Kulamo la leeyihiin Saraakiisha AMISOM si la isula meel dhigo Mag-dhawga laga Bixin Doono Wiilka la Jiidhay.

Suldaan Axmed oo adeer u ah marxuum Salaax Axmed Nuur oo 41-jir ah kuna dhintay shil baabuur oo uu kulug lahaa mid ka mid ah gawaadhida AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in AMISOM ay ka doonayaan in diyo kasiiyaan wiilkooda ama loo qisaaso askarigii watay baabuurka jiidhay marxuumka.

“Saaka waxaan la ballansanahay saraakiisha ciidamada AMISOM, si ay magdhow uga bixiyaan geerida wiilkeena, waxaan ka rabnaa diyo 100 halaad ama in ay noo qisaasaan askariga waday baabuurka dilay marxuumka oo ka tagay toddobo carruur ah” ayuu yidhi Suldaanka.

Wuxuu xusay in wiilkooda si qalad ah loo dilay oo aaney tacsi uun ka yeeli doonin ciidamada AMISOM sidda uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Taraafikada waddooyinka ayaa gacanta ku dhigay baabuurkii jiray muwaadinka Soomaaliyeed waxaana ay wadaan baadhitaan ku aadan siddii lagu ogaan lahaa sababta keentay in maalin cad uu baabuur si badheedh ah waddooyinka Muqdisho ugu dilo qof Soomaali ah.

S.D.N

Contact@somalidiaporanews.com

 

Comments are closed