Hay’adda Xuquuqda Qaxootiga u Doodda ee UNHCR Oo Soo Saartay War Farxad Geliyey Soomaalida Ku Dhiban Dalalka Dibadda
New york:29-Jan-2014(SDN)-Dadka Soomaalida ah ee Qaxootinimada ku Jooga Dalal kala Duwan oo caalamka ah ayaa markii ugu horraysay Helay War Farxad leh oo kaga yimi Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.
Hay’addan ayaa markii ugu horraysay Ka Dalbatay Waddamada ay ku sugan yihiin Dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ahi inaanay ku dhiirran inay dadkaas ku qasbaan inay dib u celiyaan.
UNCHR ayaa sheegtay in wali ay jiraan dhibaatooyin iyo dagaan la’aan ka taagan gobolada dalka Soomaaliya qaarkood, loona baahan yahay in la tixgeliyo lana difaaco qaxootiga Soomaaliyeed.
Hayada ayaa ku sheegtay war saxaafadeed kasoo baxay inaan si qasab ah loo celin dadka Soomaaliyeed ilaa laga soo celiyo amaankii iyo kala dambeynta Soomaaliya si aysan Qatar u gelin dadka lasoo celinayo.
“Waxaan ka dalbaneynaa dhamaan wadamada marti geliyay dadkaasi inay qasab dadka ku celin, iskantoo amaanka la hormariyay qeybo kamid ah koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya, hadana isku dhacyada ciidamada ayaa socda”ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay UNHCR.
Warkan ayaa yimi iyadoo dowlada Kenya ay si aan qasab aheyn u wado soo celinta qaxootiga Soomaaliya kuwaasi oo xerooyinka dalkaasi ku noolaa muddo ka badan 20 sano.
Wadanka Kenya ayaa marti geliyay 610,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo badankood ku jira xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn dunida oo qaxooti ay degaan.
S.D.N