Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land oo la Filayo inuu Saacadaha soo Socda ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada,Qaybo ka Tirsan Wasiirada Halkan ka Akhri
Garowe 28.Jan 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa lagu wadaa saacadaha soo aaday inuu ku dhawaaqo gollaha wasiiradda oo maalmihii ugu danbeeyay la tashiyo kala samaynayay qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wararka ayaa sheegaya tiradda wasaaradaha inaan waxba laga badali doonin ,hase yeeshee gollaha wasiirada ay noqon doonaan kuwo cusub iyo qaar ka mid ah raggii isku soo taagay jagada madaxtinimadda Puntland.
Gaas ayaa horay u sheegay inuu koobo doono wasiirada si loo helo xukumad tayo leh,wuxuuse sheegay waa haddii ay ka timaada rabitaanka shacabka wuxuna hadalkiisa raaciyay inuu soo dhisi doono xukumadd u eg Puntland.
Haweenka ayaa la sheegayaa inay gollaha wasiiradda ka helaan labo kursiga,waxana iyadana la hadal hayaa cida kasoo noqon doonta wasiiraddii xukumadii Dr.CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed.
Inkastoo aan dib idin kaga soo gudbin doono magacyadda wasiiradda cusub,haddana ragga sida wayn loo hadal hayay ee xilalka ka helay xukumadda cusub ayaa kala ah.
Cali Xaaji Warsame Wasiirka waxbarashada Puntland,wuxuna soo noqday murashax.
Dr.Saadiq Eenow wasiirka Caafimaadka wuxuna soo noqday murashax balse doorashadii ka tanasulay.
Shire Xaaji Faarax Wasiirka maaliyadda,murashax madaxwayne ayuu soo noqday siyaasadana wuu ku cusub yahay.
Xasan Cismaan Maxamuud(Aloore)Wasiirka amniga Puntland,horay xukumaddii Cadde wasiir ayuu usoo noqday.
Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) oo madaxwayne Khaatumo soo noqday waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose.
Sahro Siciid Nuur oo siyaaada ku cusub waxaa loo magaabay wasiirka Dastuurka,arrimaha federaalka io dimuqraadiyadda.
Tiradda guud ee wasiiradda,ku xigeennada iyo wasiiru dowlayaasha waxay dhan yihiin 47-qof.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com